Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dan Eliasson oo markii ugu horeysay ka hadlay kashifaadii SR

La daabacay torsdag 7 september 2017 kl 11.35
Eliasson. Kama aanan tillaabsan qaraarka difaaca amaanka
(1:27 min)
Dan Eliasson.
Talliyaha boliska qaranka Dan Eliasson. sawir: JANERIK HENRIKSSON / TT

Talliyaha boliska qarnka Dan Eliasson oo markii ugu horeysay ka hadlay eedeymo loo jeediyey.

Taliyaha boliska qaranka Dan Eliasson ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kashifaad ay horey u baahiyeen idaacadaha Ekot iyo P4 Stockholms oo ahaa in talliyahu u gacan-geliyey shirkad gaar loo leeyahay macluumaad xasaasi ah oo ku jiray nidaamka diwaan ee lagu baxiyo musharaadka shaqaalaha boliska, middas oo lagu sheegay in ay ka hor imaanayso qaraarka diifaca amaanka.

– intii lagu guda jiray gu’gii 2015 waxaa na soo foodsaartay culaysyo isdaba joog ah. Waxa aan dib u habeyn ku sameynay hanaanka iyo qalabyada aan ku shaqeyneyno. Waxaa jirtay qatar in aan baxin weyno mushaaraadka shaqaalaheena.

Sida uu sheegay Dan Eliansson markas ayuu gaaray go’aanka ah in aan la isticmaalin nidaamka qarinta ee hey’adda gaanshaandhiga balse la adeegsado farsamooyin kale oo aan baal marsaneyn qaraarka difaaca amaanka.

– Dabcan go’aanka si wanaagsan looma qeexi, waana ka xunahay.

– Laakiin waxa ku jira waa cad yahiin, kama aanan tillaabsan qaraarka difaaca amaanka.  

– Ma jirto macluumaad sir ah oo an cidna u gacan-gelinay. Dhamaan macluumaadyada sirta ah waxa aan u maaraynay si waafaqsan qaraarka difaaca amaanka, ayuu yeri Dan Eliasson oo u waramayey idaacadda Ekot.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".