Stefan Ingves, madaxa bangiga qaranka Sweden.
Madaxa bangiga qaranka Sweden, Stefan Ingves oo soo ban-dhigay siyaasadda dhaqaalaha. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Bangiga qaranka oo aan wax ka bedelin heerkii ribadu taagnayd

Bangiga qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu heerkeeda ku daayay ribada oo ku sugan heer taariikhiyan ah oo aad u hooseeysa 0,05%.

Iyo sidoo kale taageerada iibsiga ee waraaqaha dhaqaalaha ee dowliga inta sannadka ka dhiman sida qorshuhuba ahaa. 

Is-bedel lagu sameeyo kor u qaadidda ribada ayaa la fileyaa bartamaha sannadka foodda innagu soo haya ee 2018.

Bangiga qaranka oo taxadar ku tallaabsaday

Bangiga qaranka ayaa ku daabacay saadaalintiisa iney kor u kici doonaan sannadka kobaca dhaqaale iyo sicir-bararkuba, kolka loo barbar dhigo fikirradii uu horay uga muujiyay.

-Dhammaan isku hagaajintaa waxay muujineeysaa dhaqaalaha dalka oo kor u kaca iyo kor u kicii la sugaayey oo dhabooba. Iyadoona uu bangiga qaranku iminka ku howlan yahay oo keliya sidii uu ku jeheeyn lahaa inuu u dhaco sida ugu deggan iyo in aaney ka dhallan suuqa fal-celinno adag, sida ay sheegtay Anna Öster.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".