Dan Eliasson
Talliyaha boliska qaranka Sweden Dan Eliasson oo saxaafadda la hadlaya. sawir: Anders Wiklund/TT

Xeer-illaaliye u kuurgeli doona go'aankii Eliasson

Xeer-illaaliye ayaa dalbanaya in loo soo gacan geliyo go’aankii uu talliyaha boliska Dan Eliasson gaar sannadkii 2015, go’aankaas oo lagu sheegay mid baalmarsan qaraarka difaaca amaanka.

Arrrinta waxa ay timid ka gadaal markii dacwado saddex ah laga gudbiyey talliyaha bolsika qaranka, sida uu sheegay Anders Jakobsson madax ka ah wax ka mid ah xeer-illaalinta heer degmo.

– Hadda waxaa na soo gaaray dhowr dacwado ku saabsan arrintan. Aniga oo dacwadahas ka duulaya ayaa qaadi doonaa tillaabooyin baaritaan oo micnaheeda tahay in lays soo gacan geliyo qoralka go’aankii talliyaha boliska qaranka, si aan u kontoroolo qalad in uu dhacay iyo in kale, ayuu yiri Anders Jakobsson.

Balse waxa uu ka gaabsaday in uu faafaahiyo dacwadaha uu sheegay halka ay ka soo gareen iyo dembiga ay ku saabsan yahiin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".