Hagi Farah & Mohammed Nur
Maxamed Nuur iyo Xaaji Faarax. sawir: Kenadid Mohamed/SR

Doorashadii dalka Sweden oo sannad ay ka harsan tahay

Dhabbo dheer ayaa hor taagan siyaasiyiinta ajaaniibta
6:28 min

Doorashdii goleyaasha deegaanka, gobollada iyo baarlamanka ee dalka Sweden ayay ka harsan tahay muddo sannad ah.

Goleyaasha maamullada deegaannada ee Sweden ayey ku hooseeyaan xubnaha siyaasiyiinta ee ka soo jeeda dalka dibaddiisa, sida ay qortay war-bixin dhowaantan la soo ban-dhigey.

Haddii ey maamulladaasi ku jaan-gooyn lahaayeen xubnahooda sawirka bulshada ku dhaqan nawaaxiga ayey tirada siyaasiyiinta ajaaniibtu aad uga sarreeyn lahaayen midda ey iminka yihiin,sida ku cad war-bixinta uu soo saaray ururka Delmi – ergada baarista socdaalka ama qaxa - delegationen för migrationsstudier.

Arrintaa ayaa ah mid hoos u dhigi karta ka qayb qaadashada doorashada ajaaniibta ee goleyaasha maamulka dalka, sida uu qabo Mohammed Nur oo sannadihii ugu dambeeyey ka mid aahaa dhallin-yarada ku firfircoon siyaasadda ee nawaaxiga Järva:

-Waa midda fududeeynaysa. Qofka 40 ama 50 jir ah oo aan weligii Tensta lagu arag hadalka uu yiraahdo iyo midka aan anigu iraahdo si loo wada fahmi maayo. Waayo anigu waxaan ahay wiil iyaga ka dhex dhashay, la nool oo u tir-san, sida uu sheegay Mohammed Nur.

Mohammed Nur wuxuu siyaasadda soo galey muddo iminka ey ka soo wareegtay afar sannadood. Isla-markaana waxyaabaha uu xoogga saaro ay ka mid tahay sidii bulshada nawaaxigaa loogu dhiiri gelin lahaa muhiimadda uu codkoodu leeyahay:

Sidoo kale Maxamed Xaaji Faarax oo aad uga ololeeya xaafadaha dhaca nawaaxiga Järva, ayaa dhowaantan isaga iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan nawaaxigaa waxey bilaabeen ololihii doorashada iyo sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa iney u istaagaan dhibaatooyinkooda sidii wax looga qaban lahaa, isla-markaana ay tahay xilligii ku habboonaa. Maxamed Xaaji Faarax ayaa sheegay in dhibaatadu aaney ahayn oo keliya tirada hooseeysa ee codkooda ka dhiibata doorashada ee xaafadaha ajaaniibtu ku badan yihiin, waxa uu ugu yeeray ”xaafadaha tabcaanka ah”. Sidoo kale waxaa jira arrimmo xaafadahaasi ey kaga duwan yihiin xaafadaha ey ku dhaqa yihiin dabaqadda sare:

-Saddex arrimmoodba waa ey ku kala duwan yihiin. Tirada dhallinyarada u gudubta dugsiyada sare. Tirada dadyoowga shaqa la’aanta ku sugan, kuwaasina oo sababa tirada hooseeysa ee dadyoowga codkooda dhiibta xilliyada doorashada, sida uu sheegay.

Maxamed Xaaji Faarax ayaa sheegay in tallaabooyinka ugu horreeya ee muddada sannadka ah ee doorashada ka dhiman ey ku tallaab-san doonaan yihiin: In marka koowaad bulshada loo casumo siyaasiyiintii ey doorteen saddex afar sannadood hortood si ey uga war qaataan wixii ey bulshada u qabteen, sidoo kale in qaybaha kala duwan ee bulshada lagu howl-geliyo sidii ey bulshada ugu baraarujin lahaayeen inay bulshadu codkeeda dhiibato. Dadka sannadka codadkooda dhiiban doona waxaa qayb ballaaran ka ah dhallin-yarada markii ugu horreeysey codkooda dhiiban karta iyo sidii loo kicin lahaa:

-Si dhallin-yarada aannu ku soo jiidanno waa in dhallin-yarada loo abuuro shaqooyinka kuleeylaha – sommarjobb oo iyagu ey albaabada ku garaacaan waalidkood, walaalahood iyo derisyadooda, sidii ey ku codeeyn lahaayeen, sida uu sheegay Maxamed Xaaji Faarax.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".