Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Moderaterna: ha la dhimo safka daryeelka cafimaadka

La daabacay fredag 8 september 2017 kl 14.47
En kvinne får en sprøyte
Qof la durayo. sawir: Junge, Heiko

Moderaterna ayaa doonaya in kalabar la dhimo safka loogu jiro daryeelka caafimaadka inta laga gaarayo sannadka 2025.

Xisbiga ayaa ku talliyey in la hirgeliyo hanaan dhaqaale dheeraad ah lagu siiyano goobaha caafimaad ee ku guuleysta in ay yareeyaan safka daryeeelka caafimaadka.

”Waxa aan dooneynaa in aan xoojino dammaanadda cafiimaadka, taas oo ah in la dedejiyo xiriirka bokaanka la sameynayo goobaha caafimaadka. Maalin illaa saddex maalmood gudaheed in qofka lagu siiyo qiimeynta daweyn ee u baahan yahay, kadibna bil gudaheed wax loogu qabta shaqsiga, ayey tiri Cecilia Widegren oo ah afhayeenka siyaasadda arrimaha bulshada ee xisbiga Moderaterna.

Hindisahaan ayaa marka hore la horgeyn doonaa kulanweynaha xisbiga ee la qaban doono bisha oktoober.

Moderaterna ayaa sidoo kale doonaya la xoojiyo xarumaha haweenka ku ummulaan oo xisbiga doonayo in la kordhiyo ummulisooyinka ka howl-gala xaruumahas.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".