Hans Alfredsson oo geeriyooday
Qoraagii, maaweeliyihii iyo masrax sameeyihii Hans Alfredson oo ku geeriyooday, 86 jir.
-Laba maalmood oo uu ku sugnaa cusbitalka Danderyd dabadood ayuu geeriyooday, sida uu sheegay masax abuuraha wiilkiisa Daniel Alfredson oo u warrammayay hayadda wararka Sweden TT fiidnimadii axaddii ina dhaaftay.
Hasse Alfredson iyo Tage Danielsson waxey qayb lixaad leh ku lahaayeeb masraxyada dalka Sweden gaar ahaan shirkadda soo saarka ereyada iswiidhishka - produktionsbolaget AB Svenska Ord, halkaasina oo ay Mona Haskel ka ahayd gacan-yare. Iyada oo weliba aad uga xumaatay geeridaa naxdinta leh:
-Aad iyo aad ayaan u jeclaa Hasse Alfredson. Wax badan ayaannu soo wada shaqeeyney, sida ay TT u sheegtay.
Sannadkii 1961 ayuu Alfredson aasaaska u taagay shirkadda AB Svenska Ord si wada jir ah Tage Danielsson. Illaa intii uu ka geeriyooday sannadkii 1985. Iyagoona kaalin wayn ku yeeshay masraxyada dhaqanka ee Sweden.
Waxey wada jir uga qaateen ban-dhigyo ey ka mid ahaayeen Gröna hund (1962), Gula hund (1964), 88-
Sidoo kale wuxuu Hans Alfredson qayb ka ahaa aflaan uu ka mid ahaa "Den enfaldige mördaren" sannadkii 1982.
XAQIIQ:
Ku dhashay magaalada Malmö 28 juun 1931.
Wax ku bartay magaalada Lund, halkaasina uu kula kulmay Tage Danielsson oo ey wada-shaqeeyn ka dhexeeysay illaa iyo geeridii Danielsson 1985.
Sannadkihii 1960- iyo 1970- waxey qayb ka ahaayeen bandhigyo masraxeed fara badan oo ey ku guuleeysteen oo marar badan ey qayb ka ahaayeen dad ey ka mid yihiin Gösta Ekman iyo Monica Zetterlund.
Alfredson wuxuu soo saare ka ahaa aflaan ey ka mid yihiin "Ägget är löst!" (1975) iyo "Den enfaldige mördaren" (1982).
Howlihiisii fan-dhaqaneedka ayey ka mid ahaayeen buugagta carruurta ee "Blommig falukorv iyo andra bitar för barn" (1965) iyo sidoo kale "Varför är det så ont om Q?" (1968). Gadaal waxaa ka soo baxay "En ond man" (1980), "En yxa i nacken" (1992) iyo "De döda kring Maria" (1999). ()
Galab-nimadii axaddii saacaddu markay ahayd 17:48 ayuu ku geeriyooday cusbitalka Dandryd.