Valförrättning i Brännkyrka kyrka i Stockholm.
Kaniisadda Brännkyrka ee magaalada Stockholm. sawir: JONAS EKSTRÖMER / TT

Xubinnimada kaniisadda oo lagu daatey doorashada aawadeed

Dad badan waxey ku hamiyeyaan iney kaniisadda ku biiraan sidii ay saameeyn ugu yeelan lahaayeen doorashada kaniisadda ee dhici doonta gabagabada toddobaadkan aanu ku jirno.

Bishii agoosto oo keliya ayey xubin-nimada kaniisadda Sweden ku biireen 900 oo qof, waana tir 400 ka badan bishii dhiggeeda ee sannadkii 2016, sida ay sheegtay l´aanta wararka ee ekot.

15 xisbi amba uruuro xiiseeya howlaha kaniisadda ayaa ka qeyb qaadaneya doorashada xubnaha u tartamaya kuraasta kullammada kaniisadda. Xisbiyada u tartamaya ayuu ka mid yahay xisbiga Sverigedemokraterna.

-Waxaan maqlay tusaalooyin badan aniga oo sidoo kale barta Facebook ku arkay farriimmo ay dad dhigeen oo ay ku leeyihiin waxaan u galay xubin-nimada si aan saameeyn ugu yeesho howlaha kaniisadda, sida ay sheegtay Julia Kronlid, af-hayeenka arimmaha siyaasadda kaniisadda ee xisbiga SD.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".