Arbetsförmedlingen i Solna.
Xafiiska shaqada ee degmada Solna. sawir: Jessica Gow/TT

Shaqa la'aanta oo ku hooseeysa iswiidhishka dalka ku dhashay

Bila "Way adag tahay xiriir la'aan in shaqo la helo"
2:27 min

Shaqa-la’aanta iswiidhishka dalka ku dhashey ayaa hoos u gaartay bishii agoosto 3,9%, waana heerkii ugu hooseeyay wixii ka dambeeyay caqabaddii dhaqaale ee 2008. Sida ku cad tira-koob ka soo baxay xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen.

-Waxaan xaqiijin karnaa inuu heerka shaqa la’aantu gaarsii-san yahay heerkii ugu hooseeyay ee dadka dalka ku dhashay, gaar ahaan kuwooda haysta ugu yaraan shahaado dugsi sare da’dooduna ka sarreeyso 25. Halkan waxaa la buuxiyey dhammaan howlihii ka bannaanaa, sida ay sheegtay Annika Sundén, madaxa l´aanta saadaalinta ee xafiiska shaqada.

Xaaladda shaqa la’aan ee ka aloosan dadyoowga dalka dibaddiisa ku dhashey ayaa middaa ka duwan. Gabagabadii bishii agoosto waxay shaqa la’aantu gaarsiisnayd 22,0%.

Dadyoowga ka diiwaan-gashan nidaamka la qabsiga Etableringstödet ee xafiiska shaqada ayaa ka kacay 15 000 oo iminka ku sugan 76 000 oo qof

27 jirka Bila oo ka soo jeeda Koonfur Afrika wuxuu dalka ku sugnaa muddo sannad gaarsii-san. Isagoona shaqooyin ka dalbaday goobaha dhismaha, xamaaliga iyo adeegga nadaafadda

-Nadaafadda, dhismaha, xamaaliga, wax walba oo aan gacanta ka qaban karo, hase yeeshee aad ayay u qalaf-san tahay in shaqo la helo. Waxay ku xiran tahay xiriirka aad leedahay oo haddii aadan lahayn xiriirro ku habboon way adag tahay sidaad shaqo ku heli lahayd.

Guud ahaan ayey xafiiska shaqada uga diiwaan gashanaayeen shaqa la’aan tiro gaarsii-san 7,4%, middaasina oo aan ka duwanayn bishii luulyo ee isla sannadkan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".