Valsedlar och röstkort
Waraaqaha iyo kaararka codeeynta. sawir: JESSICA GOW / TT

Dhallinyarada markii ugu horreeysay codeeysa oo hoos u dhac ku yimid

Hoos ayey u dhacday tirada dhallin-yarada markii ugu horreeysay codeeyn karta ee doorashada foodda innagu soo haysa  2018.

Dhanka kale waxaa 100 000 kor u kacey inta markii ugu dambeeysay ka qayb qaadan doonta doorashada, kolka loo barbar dhigo doorashadii sannadkii 2014, sida ku cad tira-koob ay soo saartay hayadda tira-koobka Statistiska centralbyrån (SCB).

Jihadii ayay weli ku socotaa. Dadyoowga codeeyn kari doona markii ugu horeeysey ayaa 62 000 oo qof ka hooseeya, kuwaasina oo tiradoodu iminka gaarsii-san tahay isu geeyn 383 000, sida ku cad tira koobka SCB. Waa tiro u dhiganta 5,3% dhammaan inta xaqa u leh iney cokooda dhiibtaan. Halka ay doorashadii middan ka horreeysay gaarsiisnayd 6,2%. Guud ahaan tirada dhallin-yarada da’doodu u dhexeeyso, 18-24 år ayaa 122 000 oo qof ka hooseeya kolka loo barbar dhigo doorashadii sannadkii 2014. Waxaa ugu wacan iyada oo ey dhasheen tiro aad uga yar sannadihii kala guurkii qarniga.

Tirada yar ee da’yarta ayaa caqabad ku ah xisbiyada bidixda iyo midigta fog.
-Da’ yartu waxay u codeeysaa sida bulshadu u codeeyso, hase yeeshee waxey dabeeyl siiyaan xisbiyada fog ee midigta iyo bidixda, sida uu sheegay Henrik Oscarsson ahna caalin ku takhasusay culuunta siyaasadda dawliga.

Koox daacad u ah

Howl-gabka da’doodu u dhaxeeyso 70-79 ayey tiradoodu kor u kacday 145 000 oo qof kolka loo barbar dhigo doorashadii baarlamanka ee sannadkii 2014. Xisbiyada Socialdemokraterna iyo Center-ka oo caadiyan leh taariikh soo jireen ee ururrada ayaa inta badan aqlabiyad ku leh kooxdaa, sida uu aamin-san yahay Oscarsson.
-Inta badan waa koox garab ku xiran oo aanay adkeyn in la abaabulo, sida uu sheegay.

Inta badan ku xiran xisbi

Sidoo kale waxaa sannadka foodda innagu soo haya ka codeeyn kari doona doorashada golaha deegaan 123 000 oo dalka dibaddiisa ka soo jeeda. Guud ahaan waxaa ka codeeyn kari doona doorashada deegaanada 578 000 oo ruux oo dalka dibaddiisa ka soo jeeda. Waa cidda buuxisa inuu dalka ka diiwaan gashanaa saddex sannadood oo is raacsan sannadka doorashada hortii, sida ay sheegtay SCB. 

Waxey dani ugu jirta xisbiyada garabka bidix iyo kuwa dhexe.

-Waxaa gacan badan ka hela  xisbiyada garabka bidix haddii ey codeeyaan, sida uu sheegay Oscarsson.

Hase yeeshee guud ahaan waa mid hooseeysa ka qayb qaadashada doorashada ee kooxahaasi, sida uu sheegay Henrik Oscarsson ahna caalin ku takhasusay culuunta siyaasadda dawliga.

Fråga

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".