Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat igår kl 17.16)

Awoodda Veto oo la siineyo Säpo ciidanka nabad sugidda Sweden

La daabacay tisdag 12 september 2017 kl 12.00
Justitie- och inrikesminister Morgan Johansson (S) under en pressträff .
Wasiirka shuruucda Morgan Johansson (S). sawir: Vilhelm Stokstad/TT

Ciidanka nabad-sugidda Säpo ayaa awood loo siin doonaa inay diidmada Veto kala hor iman karaan hayadaha xogtoodu muhiimadda u tahay ammaanka dalka ee ku talo jira iney IT-gooda qandaraas ku howl-geliyaan shirkado.

Waa hab ay dawladdu doonayso sidii ay ku joojin lahayd fadeexadaha IT-ga.
-Waa fikir laga soo fekeray ee soofeey-san, sida uu sheegay wasiirka shuruucda Sweden Morgan Johansson (S).

Wasaaradda shuruucda ayaa iminka ku howlan sidii ay u diyaarin lahayd wax ka bedelka xeerka ammaan ilaalinta xogta ee la rajeeyneyo in la hir-geliyo bisha diseembar ee foodda innagu soo haysa.                               

Is-bedelka ayaa salka ku haya in hayadda doonaysaa ay wada-tashi kala yeelato intii anay heyaddu qandaraas wada-hadal bilaabin hayadda nabad-sugidda Säpo iyo wasaaradda difaaca.

Sida uu sheegay wasiirka shuruucda Sweden in aanay dhacdeen fadeexaddii IT-ga ee hayadda hoggaanka gaadiidka haddii uu xeerkani jiri lahaa.
-Markaa ma suurtagasheen in tallaabo horay loogu sii qaadi lahaa, sida uu sheegay Johansson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".