Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Sannad howleedkii baarlamanka Sweden oo albaabka loo furi doono

Peter Hultqvist, försvarsminister och statsminister Stefan Löfven under en pressträff i Rosenbad.
Wasiirka difaaca, Peter Hultqvist iyo madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven. sawir: Erik Simander/TT

Maanta oo la furayo sannad howleedka baarlamanka dalka Sweden ayuu hareeyay caad kalsooni kala noqosho, wasiirka difaaca Sweden Peter Hultqvist (S).

Xisbiyada garabka midig ee Alliansen ayaan weli kala caddeeyn iney tallaabadii kalsooni kala noqoshada oo ey horey ugu dhawaaqeen ka dhabeeyn doonaan iyo in kale. Rabitaanka xisbiyada oo kala duwan iyo jawaab cad oo aaney weli soo ban-dhigin.

Waxaa jira suurtagal ah in xisbiyada mucaaradka ee garabka Midig ey dib uga laabtaan goodintoodii hore iyo iney kalsoonida kala laabtaan wasiirka difaaca, sida ay qortay hayadda wararka Sweden ee TT. Hase yeeshee waxay qaadan doontaa dhowr maalmood inta ay kala caddaan doonto.

Kalsoonida codka

Goodintii kalsooni kala noqoshada ee xisbiyada garabka midig ayaan weli jawaab cad laga bixin, hase yeeshee ey xisbiyada garabka Midig ee Alliansen ku kala duwan yihiin fikirka in laga gun gaaro iyo in kale. 

Xisbiyada Centern iyo Liberalerna ayaa lagu soo warrameyaa in aaney xiise sidaa u ballaaran u heyn kolka loo barbar dhigo xisbiyada Kristdemokraterna iyo Moderaterna.

Haddiise la dooneyo in kursiga laga tuuro wasiirka difaaca Sweden loo baahan yahay taageerada xisbiga Sverigedemokraterna.

Löfven oo u diyaar ah inuu ku guul-darreeysto

Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven ayaa sheegay kuleeylihii in aannu diyaar u ahayn inuu xilka ka qaado Hultqvist, isagoona yiri Hultqvist waa "wasiirkayga difaaca". Middaasina oo loo tarjuman karo inuu doonayo xisbiyada garabka midig iney go’aankooda caddeeyaan. Iyadoo lagu xisaabtamayo inay guul-darradu raaci doonto xisbiyada garabka midig haddii ey xilka ka qaadaan Hultqvist.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".