Moderaternas partiledare Anna Kinberg Batra håller pressträff på Moderaternas kontor i Stockholm.
Anna Kinberg Batra, hoggaamiyihii hore ee xisbiga Moderaterna. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Anna Kinberg Batra oo ka tanaasuli doonta howlaha xildhibaannimo

Anna Kinberg Batra ayaa sheegtay in aanay u istaagi doonin doorashada foodda innagu soo haysa 2018 xubin-nimada baarlamanka, sida uu qoray war-geeyska Aftonbladet oo sida uu sheegay wareeysi la yeeshay.

-Doorashada soo socota dabadeed waxaan u diyaar garoobayaa sidii aan u qaban lahaa howlo ka bax-san siyaasadda, sida ay Aftonbladet u sheegtay.

Kinberg Batra ayaa shaacisay bishii agoosto inay iska casishay kursigii hoggaanka xisbiga Moderaterna kadib taageeradii xisbigu u hayay oo hoos u dhacday. Iyada oo lagu dhaleeceeyey waxyaabo uu ka mid yahay in warkeedu aanu cadayn, halkaasina laamo goboleedyo badani soo jeediyeen inay xilka isaga degto.

Sannadkii 2015 ayaa loo doortay hoggaamiyaha xisbiga M, kolkii uu kursiga baneeyay Fredrik Reinfeldt, iyada oo wixii ka horreeyay heeysay jagada hoggaanka xubnaha xisbiga ee baarlamanka.

Koowda bisha oktoobar ayuu xisbiga Moderaterna yeelan doonaa kulan wayne aan caadi ahayn oo lagu dooran doono hoggaamiye cusub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".