Rohinag Flyktingar.
Qaxooti ka tirsan qoomiyadda Rohinga. sawir: S. Yulinnas

Sweden oo ka dalbatay golaha amaanka kulan looga hadlayo xaaladda Burma

Safiirka Sweden: xaalad aad u daran baa halkaa ka tagan
1:22 min

Xaalada ka sii daraysa ee gobolka Rakhine dalka Burma ayaa looga hadli donaa kulan aan caadi aheyn oo uu yeelan doono golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Kulankaan dheeraadka ah in la qabto waxaa dalbaday dalka Sweden iyo boqortooyada Ingiriiska.

- Waxa halkas ka taagan waa xaalad aad u daran. Dadka waxa ay u qaxahayaan dalka Bangladesh, waana wax cad  in colaadda halka ka tagaan noqotay mid caalami ah oo saamaysay gobolka oo dhan, ayuu yeri Olof Skoog oo ah safiirka Sweden ee Qaramada Midoobay.

Waxa ay Sweden doonaysaa in Qaramada Midoobay eegto baahida bini’aadnimo ee haysta qoomiyadda laga badan yahay ee Rohinga. Tiro kor u dhaafaysa 300 000 oo ah qoomiyaddaan ah ayaa u qaxay dalka Bangladesh laga soo bilaabo 25 bishii agoosti, markas oo ay ciidamada amaanka ee Burma weeraro ku qaadeen goobo ay ku sugnaanyeen jamhad humaysay oo ka tirsan qoomiyaddaan.  

- Waxa aan rajaynaynaa in golaha amaanka ay soo saaraan baaq wadojir ah oo ah dadkan la sugo amaankooda oo la suurtogaliyo in la gaarsiiyo kaalmo bini’aadnimo, xalna nabadgeliyo ah loo helo colaadda halkas ka taagaan, ayuu yeri safiirka Sweden ee Qaramada Midoobay.

 

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".