Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xukumadda oo sida tan ula dagaalamaysa hubka iyo darooga

La daabacay tisdag 12 september 2017 kl 12.13
Mängder med illegala vapen.
Hub sharci daro ah oo boliska Malmö soo qabtay sannadkii hore. sawir: Björn Lindgren/TT

Xukumadda ayaa u kordhinaysa qoondada dhaqaale ee hey'adda kastamka xaduudaha saddexda sanno ee soo socota.

Ujeedada xukumadda ayaa ah sidii loo yarayn lahaa hubka, daroogada iyo qamriga sharci darada ah ee waddanka la soo galiyo. Hindisahan ayaa ku jira miisaaniyadda dayrta ee xukumadda. 115 miljan oo karoon ayaa sannadka 2018 loogu darayaa dhaqaalaha hey'adda Tullverket halka 130 milyan oo karoon loo kordhinayo hey'adda sannadyada 2019 iyo 2021. Waxii ka dambeeya 2021 ayaa qorshaha dowladda yahay in hey'addan loo kordhiyo dhaqaalaha 185 milyan oo karoon.

-Daroogada iyo hubka sharci darada ah dhiibaato weyn ayey keeneen, iyo sidoo kale qamriga sharci darada dalka lagu soo geliyo. Waa wax u baahan in dhaqaale la geliyo si loola dagaalo, tana waa dadaalkii ugu weynaa oo joogta ah oo la geliyo hey'adda Tullverket, ayey tiri wasiiradda dhaqaalaha Magdalena Anderssond (S) mar ay u waramaysay TT.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".