Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

UNDP oo warbixin xagjirka la xiriirta ku soo bandhigtay Sweden

Yaxye: Kooxahani waxay tijaabo ku yihiin nolosha iyo bani’aadmi-nimada
7:38 min
Mohamed Yahya  UNDP. Foto: Kenadid Mohamed/SR
1 av 2
Mohamed Yahya UNDP. sawir: Kenadid Mohamed/SR
Utrikesminister, Margot Wallström (S), Abdoulaye Mar Dieye, UNDP och SIDA chef Carin Jämtin. Foto: Kenadid Mohamed/SR
2 av 2
Wasiirka arrimmaha dibadda, Margot Wallström (S), Abdoulaye Mar Dieye, UNDP iyo hoggaamiyaha SIDA Carin Jämtin. Foto: Kenadid Mohamed/SR sawir: Foto: Kenadid Mohamed/SR

Laanta UNDP ee hayadda qarammada midoobay u qaabilsan hor u marinta ayaa isniintii shalayto ku soo ban-dhigtay magaalada Stockholm war-bixin la xiriirta dhallin-yarada ku biirta ururrada xag-jiriinta.

War-bixinta ayuu goolkeedu yahay sidii loo bayaanin lahaa sababaha aasaaska u ah xag-jir-nimada iyo sidii jawaab loogu heli lahaa doorashada dhallin-yarada ee wax ka bedelan,  sida uu sheegay Maxamed Yaxye, ahna isku duwe laanta UNDP xaruntiisuna tahay magaalada Addis Ababa.

- War-bixintan waxaannu ku dooneynaa sidii aannu ku ogaan laheyn waxa ku khasba dhallin-yarada, siiba kuwa da’da yar iney ku biiraan ururradan. Iyada oo weliba kor u kaca ururrada xag-jirku uu saameeyn ku yeesho hor u marka qaaradda Afrika.

Fikirka war-bixinta ka dambeeyay ayaa ah sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha da’yarta ku riixa ama saameeynta ku yeesha iney ku biiraan xag-jir-nimada.

-Intaa waxaa dheer sida wax looga qaban karo ama gacan loogu fidin karo gaar ahaan kolka ey ka soo waantoobaan dhallin-yaradu ka mid ahaanshaha ururrada xag-jirka, sida uu sheegay.

Kolka laga yimaado dhibaatooyinka ururrada argagixisada ee Alqaacida iyo Daacish ey ka fuliyaan caalamka ayey labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey aad kor ugu kaceen tirade ururrada xag-jiriinta ee ka abuurmey qaaradda Afrika gaar ahaan waqooyiga, galbeedka iyo bariga. Ururro ey ka mid yihiin Daacish, Buko Xaraam, Alshabaab iyo qaar kale.

Waa markii ugu horreeysay taariikhda ee wareeysiyo si toos ah loola yeesho dhallin-yaro xubin ka aheyd ururrada xag-jirriinta, iyadoona wax laga weeydiiyey su’aallo dhinacyo badan leh oo qaatey wakhti dheer oo ey ka soo baxeen sawirro leh dhinacyo kala duwan oo aan horey loo ogsooneyn, sida uu sheegay Maxamed Yaxye:

-Sawirka nooga soo baxay ayaa ah in aanay ka mid noqoshada ururrada xag-jir-nimadu aheyn mid habeen qura ku dhaca. Waa safar ey ku jiraan cunsurro badan. Waxaa ka mid ah heerkaaga tacliineed, xiriirka aad maamulka la leedadahay ama fikirka aad ka qabto, xaaladaha ku hareereey-san ee fikrka diinta aad ka qabto. Isaga oo hadalkiisii sii watana sheegay in waxyaabaha ugu yaabka badnaa ee uu ka ogaadey war-bixintan ay ahayd:

-In qaar badan ee ka mid ah dadyoowga ku biirey ururrada xag-jiriinta ey sheegeen iney ugu wacnayd diinta, hase yeeshee aaney aqoon ballaaran u laheyn diinta amaba ahaayeen dad aan wax qorin, waxna akhrin. In xag-jir-nimadu xiriir ku leedahay diinta. 57% dadka aannu wareeysanney aaney garansaneeyn xiriirka diintu la leedahay ama wax yar ka ogsoonaayeen, sida uu sheegay Maxamed Yaxye. 

Arrimmaha kale ee war-bixintu wax ka eegtay ayey ka mid ahaayeen noloshii carruur-nimadooda, xiriirka ka dhexeeya shakhsiga iyo dawladda, maamul wanaagga iyo sida loo dhowro xuquuqda bani’aadamka ee bulshada maamulkaa hoos timaada. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu dambeeya ee shakhsiga ku riixa xag-jir-nimada ayey ka mid ahayd in maamulka jiraa uu meel kaga dhaco xuquuqda bani’aadamka.

Horraantii qarniga eynu maanta ku jirno ayaa dhacdooyinka qaraxyada ee qaaradda Afrika lagu astaameeyn jirey dagaalkii sokeeye ee ka socday dalka Al-jeeriya.

-Hase yeeshee iminka dhacdooyinka argagixisada ee lagu beegsado bulshada rayidka ey maalin walba ka dhacaan, iyada oo maanta qudheeda oo war-bixintan lagu soo ban-dhigeyo Stockholm qarax baabuur lagu beegsaday magaalada Muqdisho. Maalin walba waxay kooxahaasi beegsadaan bulshada rayidka, dadka fukharada ah, dadyoowga tabarta daran ee halganka kula jira nolosha.

-Iyada oo waddammada sida Soomaaliya ey haween iyo carruur badani ku fekeraan maalin walba ma aadaa suuqa bakaaraha si aan wax ugu iibsado aan ilmaha ku quudiyo oo waxaan u bareeraa geeri. Waxey ku jiraan kala doorasho geeri iyo nolol. Xitaa waxey ka cabsi qabaan masaajiddii lagu cibaadeey-san lahaa. Ma tagaa masjidka oo ma ku soo tukadaa?

sida uu sheegay Maxamed Yaxye, isku duwe ka howl-gala laanta UNDP.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".