Statsminister Stefan Löfven (S) håller regeringsförklaringen i plenisalen i riksdagshuset vid riksmötets öppnande.
Ra'iisalwasaare Stefan Löfven oo qodbad ka jeedinaya baarlamaanka. sawir: Henrik Montgomery/TT

Löfven 750 miljan ayaa gelinaynaa garsoorka dalka

"Bulshada waa mar kasta ka xoog badnaataa burcadda
1:01 min

Baarlamaanka dalka Sweden ayaa maanta u bilowday sannad howl-leed cusub.

Ra'iisalwasaaraha Sweden Stefan Löfven oo maanta qodbadka ka hor jeedinayey furitaanka golaha baarlamaanka ayaa ka dhaqaajiyey in xukumaddiisa ay ku maalgelin doonto gaarsoorka dalka dhaqaale gaaraya 750 milyan oo karoon oo dheeraad, si loola dagaalamo fal-dembiyeedyada.

- Dembiyada abaabulan kaalin kuma lahan Sweden, bulshaa waa in ay mar kasta ka xoog badnaato burcadda.

- Sannadka soo socda waxaa bilaabanaya dadaalkii ugu weynaa ee lagu baxiyo qarniga 2 000 ciidamada boliska. Sweden ma awoodo in bolisyada shaqada ka tagaan. Hey'adda boliska waxaa howl loo siiyey in iyaga iyo iskaashatada shaqaalaha boliska ay wadojir u hagaajiyaan ciidamada boliska fursadahooda horumar ee shaqo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".