Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Tijaabada uur jiifta oo cabsi iyo dhaleeceeyn laga muujiyey

La daabacay onsdag 13 september 2017 kl 08.42
Tijaabada NIPT ee uur-jiifta
(4:16 min)
Aallada lagu eego ilmaha caloosha ku jira. Ultraljud.
Aallada lagu eego ilmaha caloosha ku jira. Ultraljud. sawir: Meek, Tore

Culimada iyo dhakhaatiirta ayaa iminka ka doodeya sidii dalkan looga hir gelin lahaa tijaabada ugu casrisan ee xogta la xiriirta uur-jiifta.

Tijaabada NIPT ayaa ka sahlan, isla-markaana ay natiijadeedu ka xaqiiq-san tahay kolka loo barbar dhigo tijaabooyinkii ka horeeyey, maadaama loo baahan yahay oo keliya dhiig hooyada laga qaado.

Dhakhaatiirta iyo culimada ayaa iminka ka welwel qaba in anshaxa iyo akhlaaqda laga tallaabsado. Mickan Lüning, xeel-dheere baarista uur-jiifta kana how-gasha ururka Downföreningen.

–Midda caqabadda noqon karta waxay tahay inay tijaabadu aad u sahlan tahay, oo loo fahmi karo wax caadi ahaan loo sameeyn karo, balse aan loo fahmin tallaabo loo baahan yahay in laga fekero iyo baahida loo qabo war-bixin, sida ay sheegtay Mickan Lüning.

Tijaabada NIPT ayaa loo maraa iyada oo tijaabo dhiig ah laga qaado hooyada uurka leh, markaa kadib waxaa la eegaa DNA-da. Waa tijaabo sahlan xaqiiqdana u dhow. Sidoo kale waxaa la qaadi karaa uurka oo bilow ah.

Tijaabada ayey ka soo baxaan jawaabo cadcad ee la xiriira uur-jiifta halista ugu jirta cudurrada Down syndrom-ka iyo cudurro kale oo ey sabab u yihiin is-bedellada karamasoomyada ku dhaca. Qiimaha ku baxa tijaabada oo aad u sarreeya daraaddii ayey qaarkood ka gaabsadaan hayad-goboleedyada caafimaadku iney sameeyaan.

Tusaale ahaan waxaa tijaabada noocaasi ah maanta laga isticmaalaa goobaha caafimaadka ey ka mid yihiin Stockholm iyo Uppsala. Sidoo kale waxaa lagaga iib-san karaa dhowr kun oo koron aaladda internetka.

Waa mid wax-yeeleenaysa anshaxa, sida ay qabto Mickan Lüning.

–Nasiib-darradu waxay tahay iney hooseeyso aqoonta iyo anshaxa dadyoowga iibiya tijaabada, sida ay carabka ku adkeeysay.

Charlotta Ingvolstad Malmgren, caalimad ku takhasustay culuunta hidda-raaca oo ka howl-gasha cusbitalka jaamicadda ee Karolinska ayaa la kulanta waalidiin badan sidii ey ugala xaajoon lahaayeen baadhista caafimaadka uur-jiifta.

Waxay aamin-san tahay in loo baahan yahay waalidka in la siiyo war-bixinno ku filan inta aan tijaabada la qaadin, si ey go’aan uga gaaraan haddii natiijadu noqoto mid aan wanaagsanayn.

–Inta badan waxaa waalidka laga maqlaa iyaga oo leh iney u baahan yihiin tijaabooyinka oo dhan in laga qaado si ey u xaqiijiyaan iney ilmo caafimaad qaba dhali doonaan, sida ay sheegtay Charlotta Ingvolstad Malmgren.                                                         
–Annaguna waxaannu ku war-gelinaa in aaney haba yaraatee jirin tijaabooyin dammaanad qaadi kara 100% in ilmaha uurka lagu sidaa ku dhalan doonaan caafimaad, middaa ayaa ah muhiim iney waalidiintu ogsoonaadaan, ayay hadalkeedii ku soo gabagabeeysay Charlotta Ingvolstad Malmgren. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".