qof taagan oo gacmaha bac iyo baakad ku sida.
qof taagan oo gacmaha bac iyo baakad ku sida. sawir: Björn Larsson Rosvall/TT

Dhaqaalaha ceeydha kaga baxa degmooyinka oo kala duwan

Farqi ballaaran ayaa weli u dhexeeya gobollada kolka laga hadleyo bulshada ku dhaqan ee qaadata lacagta taageerada dhaqaale (socialbidrag).

Degmooyinka qaarkood ayey bulshada ku dhaqan ey 10% qaataan lacagta ceeydha, halka degmooyinka qaarkood aanu wax dhaqaale ahi kaga bixin, sida ku cad qoraal-saxaafadeed ay soo saartay hayadda hoggaanka bulshada - Socialstyrelsen.

Sannadkii tagay ayey qaateen dhaqaalaha taageerada reero gaareya 220 000, halka ey degmooyinkuna ku bixiyeen dhaqaale gaarsii-san 10,5 bilyan oo koron. Waa dhaqaale xoogaa ka hooseeya kolka loo barbar-dhigo sannadkii ka horreeyay. Dhanka kale waa dhaqaalihii ugu hooseeyay ee ku baxa wixii ka dambeeyey 2012.

Maagoolyinka ey ka mid yihiin Malmö, Eskilstuna iyo Filipstad ayey bulshada ku dhaqani 10% ama toban daloolow mid ey qaateen lacagta ceeydha. Halka degmooyinka Danderyd, Solna, Vellinge iyo Lidingö tiradaasi tahay 1%.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".