Madaxa dawladda Stefan Löfven oo soo ban-dhigay akhbaar miisaaniyad.
Madaxa dawladda Stefan Löfven oo soo ban-dhigay akhbaar miisaaniyad. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Canshuur dhimis ballaaran oo howlgabka loo ballaan qaaday

Dawladda ayaa soo jeedisay in 4,4 bilyan oo koron la dhimo khidmadda howl-gabka.

Waa tallaabadii ugu ballaarnayd ee maal-gelin, sida uu shir jaraa’id ku sheegay Stefan Löfven.

Dawladda ayaa ku talo jirta inay dhammaan aasto farqiga khidmadda ee u dhexeeya gunnada howl-gabka iyo mushaarleeyda ugu dambeeyn sannadka 2020.

Howl-gab badan ayaa lagu talo jiraa in canshuurta laga dhimo illaa iyo 5 000 oo koron sannadkii laga bilaabo 1 bisha jannaayo 2018. 

Qorshahan ayaa ku kici doona dhaqaale gaarsii-san 4,4 bilyan oo koron, waana miisaaniyad laba jibbaar ah intii ay dawladdu horay uga hadli jirtay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".