En man klädd i en så kallad bacclava och svenska sedlar.
Maal-gelinta xag-jirka oo la tuhun-san yahay iany kor u kacday. Foto: TT. Montage: Sveriges Radio.

Dacwooyinka tuhunka maalgelinta xagjirka oo aad kor ugu kacey

"Waxaa kor u kacay awooddii ogaansho"
4:03 min

Ciidanka ammaanka ayey soo gaaraan dacwooyin ka badan intii hore ee la xiriira maal-gelinta ururrada argagixisada.

Shirkadaha qaarkood iyo bangiyada ayaa lixdii bilood ee sannadka ugu horreeyey ka gudbiyey dacwooyin gaarsii-san 279, waana tiro saddex jeer ka badan kolka loo barbar-dhigo bilihii dhiggooda ee sannadkii ina dhaafay.

Sida uu xeerku qabo waa iney bangiyada, hayadaha dhaqaalaha iyo dallaaleeydu ku war-geliyaan ciidanka ammaanka dhaqaalaha tuhunka ey ka qabaan lacag suuq madow ah ee la caddeeyneyo, iyo sababta tuhunka dhalisay.

Mid ka mid ah tuhunnada ayaa ah maal-gelinta xag-jirka, halkaasina oo dacwooyinka laga gudbiyaa ey aad kor ugu kaceen. 

Sannadkii 2014 waxey shirkaduhu gudbiyeen tuhun dacwado gaarsii-san 27. Sannadkii ina dhaafay waxaa la gudbiyey dacwado toban jeer ka badan - 298.

Sannadka ayuu sidoo kale kor u kacu halkiisii ka sii socdaa. Iyada oo lixdii bilood ee sannadka ugu horreeyey laga gudbiyey tuhun dacwado gaarsii-san 279 ee la xiriira maal-gelinta argagixisada.

Angelica Wallmark, madax waaxeed ciidkanka ammaanka dhaqaalaha ayaa aamin-san in kor u kacani uu salka ku hayo shirkadaha oo fahmey falalkan dabiiciga.

–Ciidanka ammaanka dhaqaalaha ayaa sidoo kale booqashooyin ugu tagey siyaabo kala duwan oo ku war-geliyey shirkadaha, halkaasina xoogga lagu saarey su’aashan, gaar ahaan wada-shaqeeynta kala dhexeeysa ciidanka nabad-sugidda, sida ay sheegtay.

Wallmark ayaa ka gaabsatay xoogga lacagta ee falalkan la tuhun-san yahay.

In tuhunku batay ayaanay macnihiisu ahaeyn iney kor u kacday maal-gelinta dhaqaale ee ururrada xag-jirka. Sidoo kale waxaa aad u adag habkii loo baari lahaa, iyadoona illaa iminka xukun keliya lagu ridey wixii ka dambeeyay sannadkii 2005 ee la xiriira maal-gelinta xag-jirka.

Dacwooyinka badankood ayaa ka yimaada bangiyada. Angelica Wallmark ayaa sheegtay tusaale ahaan in dacwad noocani ah ee laga soo gudbiyaa la xiriiri karto iyada oo uu howl-wadeen bangiga ka shaqeeyaa uu tuhun ka galo lacag loo diro goob ama waddan uu ka jiro urur argagixiso.

Koowdii bishii agoosto ayaa la adkeeyey xeerkii dhaqidda lacagta ee ku jiheeysnaa xag-jir-nimada. Is-bedelka xeerka ayaa ka macne ah in shirkadaha lagu waajibiyey kontarool dheeri ah oo ey saaraan macaamiishooda.

Sara Ekstrand, xeer-yaqaan ka howl-gasha ururka bangiyada ayaa aamin-san inuu saameeyn ku yeelan doono.

–Xeerkan cusub ee lacag dhaqidda wuxuu hor-seedi doonaa iyada oo macaamiil intii hore ka badan laga joojiyo xiriirka bangiyada. Is-bedelka kale wuxuu yahay iyada oo shirkadaha ciyaaraha bakhtiyaa-nabsiibka lagu waajibiyey iney laanta ciidanka ammaanka dhaqaalaha ku war-geliyaan tuhunkooda.

Hase yeeshee aanay Angelica Wallmark ka fileeyn is-bedello degdeg ah ee ka dhasha.

–Waxay ila tahay inay wakhti qaadan doonto saameeyn ay yeelato, hase yeeshee waxaa muuqata inuu is-bedelka xeerku saameeyn ku yeeshay, sida ay sheegtay Sara Ekstrand, xeer-yaqaan ka howl-gasha ururka bangiyada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".