Daladda difaaca bulshada (Civilförsvarsförbundet) ayaa qabta in loo baahan yahay dad luqado kala duwan ku hadla.
Daladda difaaca bulshada (Civilförsvarsförbundet) ayaa qabta in loo baahan yahay dad luqado kala duwan ku hadla. sawir: Suvad Mrkonjic/TT

Dalladda difaaca bulshada: "Waxaa nagu yar luuqadaha ajaaniibta"

Daladda difaaca bulshada oo u baahan dadyow luqada kala duwan ku hadla
2:44 min

Daladda difaaca bulshada (Civilförsvarsförbundet) ayaa qabta in loo baahan yahay dad luqado kala duwan ku hadla oo caawimaad ka geysta dhibaatooyinka kala duwan ee bulshada soo foodsaara.

Daladdaan difaaca bulshada ayaa tusaale u soo qaadatey sanadkii 2015-kii oo ay dalkaan Sweden soo galeen qaxooti aad u farabadan markaas oo bay yiraahdeen ay muuqatey sida muhiimka ay u tahay in la helo dad badan oo luqado kala duwan ku hadla, lana hawlgala dallada difaaca bulshada dalkaan.

Dadkii xilligaas dawrka weyn arrinkaas ka qaatey waxaa ka mid ahaa Mehdi Tajhizi oo ku nool degmada Upplands Bro, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Qaar badan oo ka mid ah dadkii xilligaas dalkaan soo galey, waxay ku hadlayeen luqadda afkeyga hooyo ee Faarisi-ga, waxaan arkey in loo baahan yahay in dadkaas la caawiyo siiba qoysaska caruurta wata iyo dadka waayeelka ah kuwaas oo yimid dal ku cusub oo ay u baahan yihiin in ay wax ka ogaadaan dalkaan cusub oo ay yimaadeen iyo waliba meelaha ay caawimaadda ka heli karaan, ayuu yiri Mehdi Tajhizi.

Isu-tagga daladaha difaaca bulshadu (Civilförsvarsförbundet) waa urur iskaa wax u qabsa ah oo ka dhisan degmooyinka kala duwan ee dalkaan Sweden kuwaas oo caawimaad ka geysta haddii dalkaan Sweden ay la soo gudboonaadaan dhibaatooyin ama guluf colaad.

Sanadkii 2015-kii markii dalkaan Sweden ay soo galeen qaxootiga farabadani waxaa ku filaan waayey dadkii caawinta dadkaas u fidin lahaa ka dibna waxaa caawintaas dawr lixaad leh ka qaatey dad iskaa wax u qabso ku shaqeeya oo arrinkaas caawimaad lixaad leh ka geystey.

Lis Brevig oo ah madaxa ururka Frivilliga Resursgruppen (FRG - urur iskaa wax u qabso ah) oo ka dhisan degmada Flen kaas oo si mutadawacnimo ah bulshada ugu shaqeeya, ayaa sheegtey in ay hawshooda guullo waaweyn ka gaareen ka dib markii ay la hawlgaleen dad dalal kala duwan ka soo jeeda, waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

- Dadka ku hadla luqadaha aan Iswiidhishka aheyn aad ayaa loogu baahan yahay xilliyada dhibaatooyinku dhacaan oo dhan, markaa oo aan ku khasnanaanay  in aan dadweynaha hadal wax ugu sheegno, annaga oo albaabadooda garaaceyna, waxaanuna markaas isticmaalnaa dadka ururkayaga FRG ka tirsan ee ku hadla luqadaha Carabiga , Soomaaliga iyo Fiinishka, ayey tiri Lis Brevig oo ah madaxa ururka FRG oo ka dhisan degmada Flen.

Ururada iskaa wax u qabsada ku shaqeeya iyo Daladda difaaca bulshada (Civilförsvarsförbundet) waxay qeyb ka yihiin kuwa difaaca iyo gaashaanka u ah dalkaan Sweden laakiin maadaama Daladda difaaca bulshada (Civilförsvarsförbundet) aysan ka mid aheyn ciidamada qalabka sida ee dalkaan Sweden, waxaa ku biiri kara dhammaan dadka dalkaan Sweden ku nool oo ay ku jiraan dadka dhawaanahaan soo galey Sweden.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".