Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xubinta yabooha oo muddo ka badan la xafido kari doono

La daabacay torsdag 14 september 2017 kl 13.00
Sus -
1 av 2
Cusbitalka jaamicadda Skåne (Sus). sawir: Emil Langvad/TT
"Body worlds"
2 av 2
Bandhigii "Body worlds" iyo xubinta wadnaha bani'aadamka. sawir: ERIK MÅRTENSSON / TT

Waxaa dhowaantan suurta geli doona hab cusub ee wadnaha lagu bedelo. 12 saacadood ayaa suurtagal noqon doonta in xubinta yabooha ee wadnaha la xafido, halka ay iminka ka tahay 4 saacadood , sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed laga soo saaray cusbitalka jaamicadda Skåne (Sus).

Toddobaadkii ina dhaafay ayaa markii ugu horreeysay wadnaha shakhsi loogu bedelay habkan cusub, middaasina oo macnaheedu tahay in xubinta wadnaha lagu xafido iyada oo lagu quudineyo mamshiin walxo muhiim u ah hawo siinta wadnaha.

-Arrinkaa ayuu macnihiisu yahay in laga soo qaadi karo wadnaha lagu yaboohey meel walba oo Yurub ku taala, sida uu sheegay caalinka Johan Nilsson, oo ka howl-gala jaamicadda Lund.

Nilsson ayaa qalliin wada-jir ula sameeyey saddex dhakhaatiir kale ee qalliin, halkaasina oo uu goob joog ku ahaa caalinkii helay nidaamkan cusub Stig Steen oo horay uga howl-geli jiray Cusbitalka Jaamicadda Skåne - Sus. 

"Wadnaha ayaa markiiba hoowshiisii bilaabay, middaasina oo aan horay loo arki jirin", sida uu sheegay Johan Nilsson.

Cusbitalka jaamicadda ee Skåne ayaa lix qalliin oo tijaabo ah ogolaansho uga heeysata guddiga tijaabinta anshaha etikprövningsnämnden.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".