Wasiirka gashaandhiga dalkan Peter Hultqvist.
Wasiirka gashaandhiga dalkan Peter Hultqvist. sawir: Stina Stjernkvist/TT

Xisbiyada C iyo L oo ka laabtey u codeynta casilaadda Hultqvist

Xisbiyada mucaaradka oo ku kala jabey arrinka Hultqvist
2:15 min

Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf iyo hogaamiyaha xisbiga Liberalerna Jan Björklund ayaa sheegtey in xisbiyadoodu aysan u codeyn doonin casilaadda ay xisbiyada Allians-gu ka soo gudbiyeen wasiirka gaashaandhigga dalkaan Peter Hultqvist.

Xisbiyada Alliansen ee ay ku bahoobeen afarta xisbi ee dawladda mucaaradka ku ah ayaa horey u sheegey in ay cod ahaan baarlamanka dalkaan dhexdiisa ku ridi doonaan wasiirka gaashaandhigga dalkaan Peter Hultqvist balse hadda waxay u muuqataa in arrinkaas uusan hirgali karin maadaama laba xisbi oo Alliansi-ga ka mid ahi ay arrinkaas ka hor yimaadeen.

Wasiirka gaashaandhigga Peter Hultqvist ayey xigbiyada mucaaradku horey ugu eedeeyeen in uu wax ka ogaa fadeexaddii hey’adda gaadiidka ka dhacdey balse wasiirka ayaa arrinkaas iska fogeeyey.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".