Delad bild: migranter och kvinna mot blå bakgrund
Qaxooti badan ee Sweden yimaada uma yimaadaan magangelyo sida uu qabo af-hayeen dhanka suuqa shaqada ee xisbiga moderaterna Elisabeth Svantesson. sawir: Bram Janssen/TT, Christine Olsson/TT.

Moderaterna: Dib eegis ha lagu sameeyo xeerka socdaalka Dalka

"Waxay ka dhignaan lahayd in cidda u baahan la caawiyo"
5:28 min

Dalka Sweden iyo waddammada xubnaha ka ah EU waa iney u weecdaan nidaamka saamiga qaxootiga - kvotflyktingar ee laga soo qaato waddammada ka bax-san Yurub, halkii qaxootiga ey Yurub iman lahaayeen si ey magan-gelyo uga dalbadaan, sida uu soo jeediyay xisbiga Moderaterna.

–Sweden iyo waddammada kale dhammaantood waa iney gacan u fidiyaan dadyoowga baahida u dhabta ah u qaba, waa inaannu noqonnaa deeqsi. Hase yeeshee kolka la isticmaalo nidaamka saamiga qaxootiga ayaannu dhabbada cadaaladda ku dhowaaneynaa, in dadyoowga xaqiiqdii u baahan ey Sweden yimaadaan, waddammada Yurubna waa inay sidaa oo kale u dhaqmaan, sida ay sheegtay Elisabeth Svantesson, af-hayeenka xisbiga Moderaterna ee siyaasadda suuqa shaqada.

Maxaa dhici doona kolka saamiga la buuxiyo, maxaa dabadeed dhici doona?

–Sweden siyaabo kala duwan ayaa lagu iman kareyaa, waana in lagu jaan-joogyo nidaamka saamiga qaxootiga wakhtiyada kala duwan, xilliga dagaal ama masiibo kale ey jiraan oo dadku ka soo qaxo. Midaasi way caddahay. Hase yeeshee maanta waxaa jira nidaam aan shaqeeynayn, sannadkii 2015 ayuu si dhab ah u muuqday. Haddii loo baahan yahay in aannu caawinno dadka xaqiiqdii magan-gelyada u baahan ee aan ahayn kuwa dhaqaale doonka ah, waa in EU qaadataa nidaamka saamiga qaxootiga, sida ay sheegtay Svantesson.

Wasiirka socdaalka Heléne Fritzon, (S) ayaa soo dhoweeysay in wax laga qabto nidaamka saamiga qaxootiga, hase yeeshee isla markaana diiday in la daciifiyo xuquuqda socdaalka. Heléne Fritzon ayaan doonayn in dib looga wada xaajoodo bayaankii Jeneeva -  Genèvekonventionen.

– Genèvekonventionen ayey 145 waddan qalinka ku duugeen sannadihii kontameeyadii, wuxuu wax badan maareeyaa xuquuqda bani’aadamka iyo xiriirka waddammada u dhexeeya, waxay ila tahay inuu saameeyn ballaaran yeelan doono haddii Sweeden ay hor boodo in la burburiyo, waxay iila muuqataa inaan dhab ahaan looga fekerin, sida ay sheegtay wasiirka socdaalka Sweden Heléne Fritzon.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa horay u sheegay inuu doonayo xoogga in la saaro nidaamka saamiga qaxootiga.

Shir-weynaha xisbiga Moderaterna ee qabsoomi doona bisha oktoobar ayaa looga xaajoon doonaa qorshahan, iyadoona Svantesson sheegtay in aanay ka cabsi qabin doodda ka dhalan doonta iyo in mustaqbalka wax laga bedelo bayaankii Jeneeva.

–Waxaan qabaa inay dooddaasi iman doonto Yurub iyo waddammada caalamkaba. Su’aashan waxaa sidoo kale kor u qaaday oo ka hadlay madax-waynaha dalka Faransiiska. Waxaan ula jeedaa in loo baahan yahay in Sweden hoggaanka u qabato dooddan, dabadeed halka ay caga dhigan doonto waa wakhti hore in laga faaloodo. Xooggase waa in la saaro doonista nidaamka saamiga qaxootiga.

Ma hab uu qaxooti ka tiro yar ku soo geli karaa Yurub?

–May, waa liddigeeda, haddii ey waddammo ka badani ey qaadaana masuuliyaddooda saamigooda qaxootiga, qaxooti ka yari ma yimaadeen Yurub. Hase yeeshee waxay macnaheedu noqon lahayd in la qaabilo dadyoowgii ey baahida dhabta ahi u heeysey magan-gelyadu. Waxaa xaqiiqowday in qaar badan oo Sweden yimid ey diidmo ku heleen dalabkoodii magan-gelyo doon, waxay middaasi macnaheedu tahay iney Sweden iyo Yurub yimaadaan dad badan oo aan magan-gelyo baahi u qabin. Waxay ahaan lahayd mid lagu xaqiijiyo in dadkii u baahnaa in lagu qaabilo, sida ay sheegtay Elisabeth Svantesson, ahna af-hayeenka siyaasadda suuqa shaqada ee xisbiga Moderaterna.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".