Löfven och Åkesson
Stefan Löfven (S) iyo Jimmie Åkesson (KD). sawir: Maja Suslin/TT

Dooddii kalsoonida baarlamanka Löfven oo lagu guul dareeysatay

SD oo ku hungoobay codeeyntii baarlamanka
1:36 min

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa baarlamanka hor keenay mooshin kalsooni loogu qaadeyo madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S), middaasina oo lagu macneeyey inay ka dambeeyso fadeexaddii IT-ga ee hayadda hoggaanka gaadiidka.

Maanta oo ay codeeyntu dhacday ayay ku soo gabagaboowday sidii horeyba loo ogsoonaa iyo inuu Löfven ku guuleeysto inuu kursiga ku nagaado.

Stefan Löfven ayaa deggenaan ku qaabilay mooshinka.

–Ma ahan wax lala fajaco inuu xisbi xag-jir ahi doono inuu xukunka ka rido hoggaamiye xisbi Socialdemokrat ah, sida uu sheegay  Stefan Löfven.

Xisbiyada garabka midig ee Alliansen ayaa isku raacsan in aan la taageerin kalsooni kala noqoshada Stefan Löfven. Halka uu xisbiga Moderaterna uu doonayo gadaal inuu ka kiciyo kalsooni kala noqosho madaxa dawladda.

–Waxaannu u aragnaa inay taagan tahay sabab su'aashan loo sii wado annaga oo jawaab ka sugeeyna madaxa dawladda, sida ay sheegtay hoggaamiyaha xubnaha xisbiga M ee baarlamanka Jessica Polfjärd.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".