Foto: JONAS EKSTRÖMER / TT
Goob ka mid ah goobaha lagu codeeyo ee doorashada hoggaannada kaniisadda.

Doorashada goleyaasha kaniisadda oo axadda ka dhici doonta dalka

Hadran iyo loolan adag oo ka jira doorashada kaniisadda
1:27 min

Maalinta axadda ee soo socata waxaa dalka Sweden ka dhici doonta doorashada kaniisadda.

Doorashada kaniisadda ayaa intii ololeheeda lagu jirey waxaa si xoog leh madaxa isu darey xisbiyada Socialdemoquraadi-ga iyo Sverigedemoquraadi-ga oo uu loolankoodu heer cadaawadnimo gaarey.

Xisbiga Sverigedemoquraadi-ga ayaa sheegey in kaniisaddu noqotey goob siyaasad loo adeegsado isla markaasna dacaayad loogu sameeyo xisbiga Socialdemokraterna iyo afkaarta cilmaaniga ah.

Julia Kronlid oo xisbiga Sverigedemoquraadi-ga ka tirsan isla markaasna xubin ka ah golaha sare ee kaniisadda:
-Kaniisaddu waxay noqotey mid xisbiyada garabka bidix u janjeerta, waana in ay taas badalkeeda dhexdhexaad noqotaa, ayey tiri Julia Kronlid.

Olle Burell wuxuu ka tirsan xisbiga Socialdemoquraadi-ga, sidoo kale wuxuu xubin ka yahay golaha sare ee kaniisadda:

-Arrinkaan waxa gundhig u ah in dadka oo dhan dhammaantiis si isku mid ah loola dhaqmo, loona istaago taageerada dadka fongoran, ayuu yiri Olle Burell.

Doorashadan waxaa ka qeyb qaadan kara dhammaan dadka xubnaha ka ah kaniisadda, waxaana sanadkii 2013-kii codkaas ka qeyb qaatey boqolkiiba 13 dadkii codeyntaas xaqa u lahaa.

Tusmo kooban:

Doorashada kaniisadda Sweden waxaa la qabtaa afartii sanaba mar, waxayna dhacdaa axadda saddexaad ee bisha september.

Saddexda heer ee doorashada:

1. Maamulayaasha kaniisadda ee heer xaafadeed ama degmo, xaashiyo cadcad ayaana doorashada qeybtan loogu codeeyaa.

2. Maamulayaasha kaniisadda ee heer gobol kuwaas oo guud ahaan dalkaan Sweden gaaraya ilaa iyo 13 maamul oo heer gobol ah. Waraaqa guduudan ayaa qeybtaan doorashadeeda loogu codeeyaa.

3. Golaha guud ee kaniisadda oo heer qaran ah kaas oo sidii baarlamaan oo kale u ah maamulka guud ee kaniisadda dalkaan. Golahaan waxaa lagu go’aamiyo dhammaan go’aanada masiirga u ah kaniisadda. Golahaan ayey fariistaan mudanayaal la soo doortey oo gaaraya ilaa iyo 251 mudane. Codka jaalaha ayaa loogu codeeyaa marka la dooranayo mudanayaasha u tartamaya golaha heerka qaran  ee kaniisadda.

Doorashadaani waxay uga duwan tahay doorashooyinka kale ee dalka Sweden ka dhaca, iyadoo aysan xisbiyo ku tartamin balse dadka xubnaha ka ah kaniisaddu ay u codeeyaan shakhsiyaad ey soo xusheen kooxo dano middeeya isku baheeystey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".