Polismärke.
Sumadda ciidanka ammaanka. sawir: HENRIK MONTGOMERY

Boliiska oo lagu dhaleeceeyay habka ay dhallaanka u wareeystaan

Ciidanka ammaanka ayaa mar kale lagu dhaleeceeyey sida loo wareeystay dhallaan lagu tuhmay inuu dil geeystay.

Horay waxaa loogu dhaleeceeyey dhacdadii Kevin. Dhaleeceeyntan waxay la xiriirtaa dhacdo wiil 11 jir ah oo maydkiisa laga heley biyaha Hovsjö oo ku yaala degmada Södertälje, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter.

Bishii maajo ee sannadkii 2001 waxaa biyaha Hovsjö laga heley maydka wiil 11 jir ah oo lagu dilay maqas.

Ciidanka ammaanka ayaa markiiba tuhun geliyay wiil 12 jir ah ahaana saaxiibka wiilka maydkiisa la heley. Iyada oo ciidanka ammaanku xiriir la sameeyay goor hore caalinka culuunta nafsiga Sven Å Christianson.

Doorkii go'aan ka gaarka

Caalinka ayaa door ballaaran ka qaatay baaristii dilkii afar jirkii Kevin ee lagu dilay magaalada Arvika sannadkii 1998. Midkaasina oo lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen laba wiil oo walaalo ah oo da’doodu ahayd shan iyo toddoba jirro.

Ciidanka ammaanka ayaa dabadeed dhalleeceeyn ballaaran looga soo jeediyey habkii loo wareeystey wiilasha walaalaha iyo habkii loo howl-galey.

12-jirka Hovsjö ayaa isu geeyn la wareeystey 18 jer muddo saddex bilood gudahood ah, iyaga oo aaney goob joog aheyn gareen, waalidkii dhaley iyo dhakhaatiir cilmi-nafsi ee dhallaanka. Iyada oo uu ciidanka ammaanku muddo 1,5 dabadeed uu shaaca ka qaaday in wiilka 11-jirka dilkiisa uu ka dambeeyay ilmo saaxiibkiis ah oo ay isku da’ yihiin.

"Xaalad aad wanaagsanayn"

Muddadii lagu guda jirey wareeysiyadii dheeraa ayey sheekooyinka wiilku marba marka ka dambeeya is bedeleyeen. Diidmo inuu falka geeystay illaa qirasho.

Sara Landström, caalimad ku takhasustay habka dhallaanka loo wareeysto:

Sara Landström oo howshan u qabatay war-geeyska Dagens Nyheter ayaa baaris ku sameeysay habkii wareeysiyada looga qaaday wiilka 12 jirka, iyadoona dhaleecooyin u soo jeedisay.

-Wareeysiyadani waxay tusaale iskuul u noqon karaan jaranjarada ay qirashada beenta ahi marto. Ciidanka ammaanka ayaa isticmaalay howl-wadeenno si xooggan ey culimmo horey ugu dhaleeceeysey sannadihii 1980. Howshan oo ey dib uga soo muuqdeen, sida ay sheegtay.

Lama kicin dacwad ku caddeeyn ee la xiriirta 12-jirka. Dacwad noocaasi ah waxaa la furaa kolka dembiga lagu tuhun-san yahay ilmo da’doodu ka hooseeyso 15.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".