Polis på platsen.
Gaari boliis oo ku sugan goob uu fal ka dhacay. sawir: Johan Nilsson/TT

toogasho ka dhacday xaafadda Tensta oo nin ku dhaawacmay

Maxamed Nuur: Waa dhibaato la mid ah mid shakhsi ahaan iigu dhacday
2:56 min

Xaafadda Tensta ayaa nin dhaawac xabbadeed loogu geeystay fiid-nimadii axaddii ina dhaaftay.

Xabbadeeynta ayaa ka dhacday agagaarka kaniisadda Tensta saacaddu kolkay ahayd 20:30 . Ciidanka ammaanka oo goobta tagay ayaa xiray nawaaxiga si uu baaris ugu sameeyo.

Ninka xabbadda lagu dhaawacey ayaa ahaa nin aad uga muuqada dhaqdhaqaaqyada ururrada bulshada ee nawaaxiga Järva, sida lagu daabacey aaladaha bulshadu ku kulanto warar la isla dhex-marayey.

Maxamed Nuur, wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta xisbiga Socialdemokraterna ee xaafadda Spånga Tensta ee dhibaatadu ka dhacday. Isagoona sheegay inay dhacdadani isaga shakhsi ahaan iyo dhammaan bulshada ku dhaqan nawaaxigaa uga duwan tahay, waa sida uu hadalka u dhigay:

Dhaawaca xabbadaha ee loo geeystay ayaa ah halis, hase yeeshee aan looga cabsi qabin noloshiisa, iminkana lagu daweeyneyaa cusbitalka, sida uu sheegay sarkaal ka tir-san ciidanka ammaanka nawaaxiga Järva oo aannu khadka telefoonka kula xiriirney.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".