Tolv människor skjutits ihjäl i Stockholms län i år. Foto: Vilhelm Stokstad/TT
Laba iyo toban qof oo sannadka toogasho lagu dilay gobolka Stockholm.

Dadka toogashada lala beegsado oo ku geeriyooda oo labajibaarmey

Dadka toogashada iyo rasaasta lagu dilo oo labajibaarmey
2:56 min

Gobolka Stockholm ayaa sanadkaan gudihiisa waxaa rasas iyo isxabadeyn lagu diley laba jibaar in ka badan dadkii rasaasta lagu diley sanadkii hore.

Carola Sinisalos ayaa wiilkeeda Robin oo 15 jir ahaa waxaa bishii janaayo ee sanadkii hore lagu diley gurigooda hortiisa:

- Waxaan goostay in aan isdhiibo oo aanan waxba daneyn sidaasna aan ku dhinto balse markaan arko waxa wadooyinkeena ka dhacaya iyo dhallaanka ku sugan, ayuu qalbigu i fuqaa oo aan iska ooyaa. Marka loo fiirsado waxa wadooyinkeena ka dhacaya taas macneheedu waa dadkeena waaweyn ayaa arrinkaas ku fashilmey, ayey tiri Carola Sinisalos.

12 ruux ayaa ilaa sanadkan waxaa lagu diley gobolka Stockholm taas oo laba jibaar ka badan dadkii sanadkii hore isla gobolka lagu diley kuwaas oo ahaa 6 ruux. Illaa sanadkan ayaa sidoo kale waxaa rasaas lagu dhaawacey dad gaaraya 24 qof meesha sanadkii hore la dhaawacey 26.

Sven Granath oo ka tirsan ciidamada booliiska magaalada Stockholm ayaa qirey in sanooyinkii danbe ay toogasha badani dhacdey, sanadkaana ay laba jibaarmeen dadkii xabadda lagu diley. Sven Granath ayaa dhanka kale sheegey in inkastoo toogashadu sanadkan kor u kacdey hadana sidaas oo ay tahay aan la oran karin yaqiinka ah toogashadu sanadaha soo socda kor ayey u sii kici doontaa:

- Arrinkaas xukunkiisa waa in aanan ku degdegin. Dhanka kalana waa run in toogashooyinkaasi kor aad ugu keceen, haddii aan waxa hadda dhacaya oo dhimasho iyo dhaawacba ah aan barbardhigno wixii dhacey shan sano ama lix sano ka hor, ayuu yiri Sven Granath.

Robin oo 15 jir ahaa ayaa ka mid ahaa dadkii sanadkii hore rasaasta lagu diley. Isaga iyo walaalkiis Alejandro ayaa lagu toogtey gurigooda hortiiisa oo ku yaala xaafadda Akkala.

Alejandro wuxuu hadda isticmaalaa kursiga dadka curyaamada, waxayna isaga iyo hooyadiis Carolina Sinisalo aasaaseen urur lagu magacaabo ”Fuck våldet” si looga hortago toogashooyinka iyo dilalka.

Carolina Sinisalo iyo mar kale:

- Wax ka qabadka arrinkan waa in ay waalidiinta ka bilaabataa waayo dhammaanteen mas’uuliyad ayaa na saaran. Ma dhici karto in aan arrinkaas iska faiirsanno oo eedeyn aan la dabagalno siyaasiyiinta. Siyaasiyiinta iyo boolisku Robin iyo Alejandro ma toogan ee waxaa toogtey wiil qof kale dhaley, ayey tiri Carolina Sinisalo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".