Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Satsningen på gratis cellprov innebär 141 miljoner kronor per år med start 2018, skriver Vänsterpartiet i ett pressmeddelande. Foto: Henrik Montgomery/TT och Pontus Lundahl/ TT
Jonas Sjöstedt hogaamiyaha xisbiga Vänster-ka iyo maalgalinta caafimaadka. Sawirkii : Henrik Montgomery/TT och Pontus Lundahl/ TT

Miisaaniyad lagu maalgalin doono daryeelka caafimaadka dhalmada

Sjöstedt : Lacaga dheeraad ah ayaa lagu maalgalinayaa caafimaadka.
1:38 min

Dawladda dalkan iyo xisbiga Vänster-ka ayaa isku afgartey in lacag la’aan laga dhigo baaritaanada unugyada lagu sameeyo iyo sidoo kale in la kordhiyo lacagaha lagu kharashgareeyo dhalmada iyo cudurada maskaxda gala.

Xisbiga Vänster-ka ayaa loo ogolaadey soo jeedintiisii aheyd in caafimaadka lagu maalgaliyo lacag dhan 4,7 miljaarder oo karoon sanadka 2018-ka, sida uu shir jaraa’id oo uu maanta qabtey ku sheegey hogaamiyaha xisbiga Vänster-ku Jonas Sjöstedt:

- Dhankayaga qiima xoog leh ayey noogu fadhidaa in riddada fog maalgalin xoog leh lagu sameeyo arrimaha caafimaadka, haddana waxaa naga go’an in aan wax weyn ka qabano daryeelka iyo daaweynta arrimaha dhalmada la xiriirta ayuu yiri Jonas Sjöstedt.

Miisaaniyada xilliga gugga ee dalkaan ayaa lacaga dheeraad ah waxaa loo qoondeeyey caafimaadka iyo daaweynta dhalmada taas oo shanta sano ee soo socota lagu maalgalin doono sanad walba hal miljaarder oo karoon.

Intaas waxaa dheer iyadoo lcag la’aan laga dhigi doono baaritaanada lagu sameeyo unugyada taas oo markii hore qofka ugu kici jirtey 200 oo karoon.

Baaritaanada lagu sameeyo ugungyadu waa hab cilmi oo waqti hore baaritaankooda lagu ogaado cudurka kansarka ee minka haweenka gala.

Baaritaankaan bilaashka ah ayaa waxaa ka faa’iideysan kara dumar dalkaan ku nool oo dhan laba malyan iyo bar, kuwaas oo da’doodu u dhexeyso 23 jir ilaa iyo 64 jir.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".