Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Miisaaniyadda xilliga deyrta oo maanta la soo bandhigey

La daabacay onsdag 20 september 2017 kl 10.40
Xisbiyada mucaaradka oo canbaareeyey miisaaniyadda dawladdu soo bandhigtey.
1:45 min
Magdalena Andersson och höstbudgeten. Foto: TT
Wasiirka maaliyadda Magdalena Andersson oo soo bandhigtey miisaaniyadda xilliga deyrta.

Dawladda ayaa maanta soo bandhigtey miisaaniyadda dalka lagu dhaqi doono 2018.

Wasiirka maaliyadda Magdalena Andersson ayaa daaha ka qaadey lacag dhan 40 bilyan oo karoon oo lagu maalgalinayo qeybo kala duwan oo bulshada dalkan iyo dadweyneheedaba dani ugu jirto.

Tusaale ahaan lacagaha la siiyo bil kasta caruurta aan qaangaarka aheyn ayaa laga bilaabo bisha marso ee sanadka soo socda waxaa lagu kordhin doonaa 200 oo karoon cunugiiba.

Magdalena Andersson, wasiirka dhaqaalaha Sweden:

- Waxaan 200 oo karoon ku siyaadin doonaa lacagaha la siiyo caruuraha iyo waliba annaga oo siyadin doona lacagaha deeq ahaanta waxbarasho loo siiyo ardeyda dhigata dugsiyada sare. Arrimahan ayaa ka mid ahaa waxyaalihii aanu horey u balanqaadney xilligii doorashada, ayey tiri Magdalena Andersson.

Dawladdu waxay kaloo gudi doontaa 40 bilyan oo ka mid deymaha dalka lagu leeyahay.

Miisaaniyaddaan ay dawladdu maanta soo bandhigtey ayaa sidoo kale xanbaarsan canshuur dhimid loo sameeyo dadka hawlgabka ah, daryeelka caafimaadka iyo deegaanka oo iyana kharashaad dheeraad ah loo qoondeeyey.

Wasiiradda maaliyadda Magdalena Andersson ayaa sidoo kale sheegtey in ay lacag dheeraad ah galin doonaan waxbarashada iyo la dagaalanka shaqa la’aanta, Magdalena Andersson iyo mar kale:

- Maalgalinta dheeraadka ah ee aanu waxbarashada galineynaa waa mustaqbalka fog aad muhiim ugu ah dhaqaalaha dalkan taas oo kor u qaadeysa heerka aqooneed ee shaqaalaha dalka, ayey tiri Magdalena Andersson.

Dawladda ayaa sidoo kale lacaga dheeraad ah u qoondeysey ciidamada booliiska, ciidamada sir doonka, ciidamada asluubta iyo kuwa canshuuraha.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay miisaaniyaddaani xanbaarsan tahay:

- Lacagta caruuraha aan qaangaarka aheyn la siiyo (barnbidrag) oo lagu kordhinayo ilaa 200 oo karoon bishiiba laga bilaabo sanadka soo socda ee 2018-ka taas oo dawladda ugu kici doonta 4,5 bilyan oo karoon sanadkiiba.

- Miisaaniyadda ciidamada booliiska oo aad kor loogu qaadey.

- La dagaalanka shaqa la’aanta oo iyana kharash xoog leh loo qoondeeyey.

- Daryeelka dadka waaweyn oo hawlgabka ah oo iyana kharash mug leh loo qoondeeyey.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".