Lacag miis saaran iyo alaabooyinka ey ilmuhu ku ciyaaraan oo dul saaran.
sawir: Jonas Ekströmer/TT

Waa miisaaniyad la soo bandhigey xilli dhaqaale wanaagsan

Dood la xiriirta miisaaniyadda
7:38 min

Miisaaniyadda dhaqaalaha ee dalka oo saaka la soo ban-dhigey ayay ka muuqatay inuu dalku ku jiro xaalad dhaqaale ee sarreeysa, sida uu sheegay Abshir Anbaashe oo ka tir-san xisbiga Moderaterna iyo Mubaarik Abdirahmaan oo ka tir-san xisbiga Socialdemokraterna.

Qodobadda ugu waaweyn ee uu carrabka ayey ka mid yihiin: Dhimista khidmadda howl-gabka oo ey xisbiyadu ka siman yihiin soconna doonta sanooyin fara badan. In kor loo qaadey 200 oo koron dhaqaalaha la siiyo dhallaanka, waxa loo yaqaanno - barnbidrag iyo miisaaniyadda goobaha dar-yeelka caafimaad ee dhalmada.

                                                          Kenadid Mohamed

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".