Emil Källström Centerpartiets ekonomisk-politisk talesperson, kommenterar regeringens budgetproposition under en pressträff i Riksdagens pressrum i
Emil Källström, af-hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Center-ka oo ka faallooday misaaniyadda dawladda. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Xisbiyada Mucaaradka oo canbaareeyay miisaaniyadda

Xisbiyada mucaaradka oo canbaareeyey miisaaniyadda dawladdu soo bandhigtey.
1:45 min

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhaliiley miisaaniyadda ay dawladdu maanta soo banhigtey.

Emil Källström oo xisbiga Center-ka u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha ayaa wuxuu yiri sidan:

- Haddii la rabo in caruurta dalkan Sweden ku nool in wax la taro, waa in waalidka ilmahaas dhaley shaqo loo helaa, taas ayaana muhiim ah, ayuu yiri Emil Källström.

Afhayeenka xisbiga Kristedmoquraadi-ga ee dhanka dhaqaalaha Jakob Forssmed ayaa isna sheegey:

- Annigu canshuurta ayaan dhimmi lahaa siiba annigoo dib u habeyn ku sameynaya suuqa shaqada maadaama ay jiraan dad badan oo shaqa la’aani heyso, ayuu yiri Jakob Forssmed.

Ulf Kristersson oo isna xisbiga Modaraat-ka u qaabilsan dhanka dhaqaalaha ayaa sheegey:

-Miisaaniyaddaani waxay u muuqataa mid la kala firdhiyey oo lacaga badan lagu kharashgareynayo waxyaalo faa’iidada ka soo baxeysaa ay yar tahay, ayuu yiri Ulf Kristersson.

Oscar Sjöstedt oo ah afhayeenka xisbiga Sverigedemokrater-ka u qaabilsan dhanka dhaqaalaha ayaa miisaaniyaddaan dawladdu soo bandhigtey ku tilmaamey mid ridda gaaan ku qotonta oo ujeedada laga leeyahay tahay in shacbiyad lagu helo,waxayna xanbaarsan tahay canshuur kordhin iyo iyadoo lacaga badan galisey soogalootiga iyo isdhexgalka, ayuu yiri Oscar Sjöstedt.

Ulla Andersson oo ka tirsan xisbiga Vänster-ka ayaa iyana ka faalootey miisaaniyadda maanta la soo bandhigey waxayna tiri:

- Waxaanu hirgaliney in teesaraha gaariga lagu wado lagu baran karo lacag deyn ah, waxaan lacag la’aan ardeyda uga dhigney gaadiidka dadweynaha xilliyada fasaxa lagu jiro iyo waliba annagoo lacag la’aan ka dhigney iskuulada dabaasha, ayey tiri Ulla Andersson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".