Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasiirka cadaaladda iyo taliyaha booliska oo baarlamaanku u yeerey

Polischefen Dan Eliasson och justitieminister Morgan Johansson .Foto : Jessica Gow/TT
Taliyaha booliiska Dan Eliasson ( midig) iyo wasiirka caddaaladda Morgan Johansson ( dhexda). Foto : Jessica Gow/TT

Guddi hoosaadka baarlamaanka Sweden u qaabilsan arrimaha caddaaladda ayaa maanta wareysi ugu yeerey taliyaha ciidamada booliiska Dan Eliasson iyo wasiirka caddaaladda Morgan Johansson.

Guddi hoosaadka baarlamaanka ee dhanka caddaaladda ayaa labadaan mas’uul wuxuu su’aalo ka weydiin doonaa fadeexaddii dhanka IT-ga ee booliiska dalkaan ka dhacdey.

Mas’uuliyiintaan u yeeritaankooda waxaa gundhig u ah ka dib markii idaacadda Sweden ay kashiftey amaan la’aan la xiriirta maamulka ciidamada booliiska taas oo raad la leh habka mushaarada ciidamada loo bixiyo iyo diiwaangalintooda intaba.

Idaacadda Iswiidhan ayaa laba usbuuc ka hor kashiftey in taliyaha ciidamada booliisku Dan Eliasson uu sanadkii 2015-kii go’aamiyey isagoo baalmaraya xeyndaabka amni ee maamulka ciidamada, in si gaar ah habka mushaarka ciidamada loo bixiyo loogu ogolaado shirkad gaar loo leeyahay.

Ciidamada booliiska ayaa markey u caddaatey in dhibi ka heysato habka loo maareeyo mushaarada ciidamada, waxay caawimaad ka dalbadeen  shirkad dalka Kanada laga leeyahay oo magaceeda loo soo gaabiyo CGI, taas oo iyadu leh ”Palasso” oo ah hab loo isticmaalo mushaar bixinta shaqaalaha.

Shirkadda CGI ayaa ugu danbeyntii sirtii mushaar bixinta ciidamada loo gacant galiyey taas oo xafiisyadeeda u qaadatey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".