Statsminister Stefan Löfven i New York i dag. Foto: TT/Montage
Reysal wasaare Stefan Löfven oo xarunta qaramada midoobey ku sugan. Foto: TT/Montage

Stefan Löfven oo UN-ka ka hadley lana kulmey Donald Trump

Stefan Löfven oo khudbad ka jeediyey UN-ka.
0:51 min

Reysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa khudbad ka jeediyey golaha amniga ee qaramada midoobey.

Löfven ayaa khudbaddiisa ku bilaabey isagoo xusey Zaida Catalan oo aheyd khabiir u shaqeyn jirtey ururka qaramada midoobey taas oo dalka Kongo lagu diley iyadoo shaqadeeda gudneysa.

Reysal wasaare Stefan Löfven ayaa carrabka ku adkeeyey in qaramada midoobey ay u istaagto arrimaha nabadda iyado loo marayo xal siyaasadeed, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa :

- Waa in aan anagoo adeegsaneyna bulshada nabadda jecel, ka hortagnaa dagaalada iyo khilaafaadka, ayuu yiri reysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven.

Reysal wasaare Löfven ayaa dhanka kale wuxuu kulan la yeeshey madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".