Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat igår kl 17.16)

Löfven oo canbaareeyey mudaharaad Naziyiintu dhigeen

La daabacay torsdag 21 september 2017 kl 13.15
Stefan Löfven. Poto: Henrik Montgomery/TT
Reysal wasaare Stefan Löfven.Poto: Henrik Montgomery/TT

Reysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa canbaareeyey mudaharaadkii Naziyiintu ku dhexmareen magaalada Göteborg kaas oo uu ku tilmaamey in uu ahaa mid ay xadka uga soo talaabeen.

Dawladda ayaa maanta isugu yeertey xisbiyada dalkaan si looga wada hadlo habkii looga hortagi lahaa xoogagga dimoquraadiyadda ka soo horjeeda ee ku sugan Sweden.

Dhammaadkii todobaadkii hore ayaa ilaa kontomeeyo Naziyiin ahi waxay iyagoon wax ogolaasho ah u heysan mudaharaad ka dhigeen magaalada Göteborg.

Mudaharaad kale oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Naziyiinta cusub ee iska caabinta Nordi-ga (NMR) ayaa bishaan september 30-keeda wuxuu ka dhici doonaa galbeedka dalkan.

Ciidamada booliiska ayaa mudaharaadkaas ogolaasho siiyey, maadaama bey dheheen dadka oo dhammi xaq u leeyihiin in ay mudaharaad dhigaan.

Reysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri sidan:

-Aad baan arrinkaas uga xumahay, waxaana muuqata ururadaas qaarkood in ay si tijaaba ah xadka uga soo gudbayaan iyagoo dhigaya mudaharaadyo aysan ogolaasho u heysan, waana in arrinkaan wax laga qabtaa, ayuu yiri  Stefan Löfven.

Xisbiga Sverigedemoquraadi-ga oo ah xisbiga saddexaad ee ugu weyn xisbiyada ku jira baarlamaanka Sweden, ayaan isaga lagu casumin ka soo qeybgalka ay xisbiyada dalkaani uga tashanayaan wixii laga yeeli lahaa ka hortagga Naziyiinta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".