Ulf Kristersson. Foto: Jonas Ekströmer/TT.
Ulf Kristersson. Foto: Jonas Ekströmer/TT.

Ulf Kristersson oo loo soo sharaxay hogaanka cusub ee xisbiga (M)

Waaxda xisbiga Modaraad-ka u qaabilsan diyaarinta doorashooyinka ayaa soo jediyey in hogaamiyaha cusub ee xisbigooda loo magacaabey Ulf Kristersson,  sida uu sheegey madaxa waaxda diyaarinta doorashooyinka Lars-Ingvar Ljungman.

Ulf Kristersson ayaa ah afhayeenka xisbiga Modaraad-ka u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha, wuxuuna yahay ninka badanaa xisbiga xubnihiisu u calmadeen in uu badalo Anna Kinberg Batra oo iyadu hogaanka xisbigaas iska casishey 24-kii bishii ogoosto.

Hogaamiyaha cusub ee xisbiga Modaraad-ka ayaa si rasmi ah waxaa la dooran doonaa 1-da bisha oktobar markaas oo xisbigu isugu imaan doono kulan aan caadi aheyn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".