telia
telia

Maxkamad lagu soo oogey 3 qof oo shirkadda Telia madax ka ahaa

Madax sare oo Telia ka tirsanaan jirey oo danbiyo lagu soo oogey
2:01 min

Waxaa maanta danbi lagu soo oogey saddex qof oo horey ugu shaqeyn jirey shirkadda Telia Sonera uuna ka mid yahay mareeyihii hore ee shirkaddaas Lars Nyberg.

Saddexdaas qof ayaa lagu soo eedeeyey in ay lacago laaluush ah ku bixiyeen sidii shirkadda Telia Sonera suuqa dalka Uzbekstan u dhexgali laheyd.

 

Shirkadda Telia ayaa horey u qiratey in ay dalka Uzbekstan laaluush ahaa ugu bixiyeen lacag dhan 2.6 bilyan oo karoon.

Dhanka kalana shirkadda Telia ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag dhan siddeed bilyan oo karoon ka dib markii lagu heley in ay lacago laaluushkaas ay horey ugu bixisey dalka Uzbekstan.

Shirkadda Telia ayaa heshiis la gaartey hey’ado dalalka Mareykanka iyo Nederland kala dagan, heshiisyadaas oo ay shirkaddu ku ogolaatey in ay bixiso ganaax dhan 4,5 bilyan oo karoon.

Waakan madaxa guud ee maamulka Telia Marie Ehrling oo arrinkaas ka hadlaya:

- Waxaan halkaan ka caddeynayaa in shirkaddu siisey lacag dhan 330 milyan oo doolar hey’da dawladeed oo kala duwan taas oo la xiriirta galitaankii suuqa dalka Uzbekstan sanadkii 2007-dii iyo wixii ka danbeeyeyba, ayuu yiri rie Ehrling.

Shirkadda Telia ayaa sidoo kale khasaartey qiyaastii lacag dhan 3,5 bilyan oo karoon taas oo qiyaastii u dhow lacagtii shirkaddaasi ka heshey ama ka macaashtey laaluushkii ay dalka Uzbekstan ku bixisey. 

Madaxa guud ee maamulka Telia Marie Ehrling iyo mar kale:

- Waanu qiraneynaa qaladkaas taariikhiga ah in aanu mas’uul ka nahay, sidaan marar badanba horey u iri, qalad kastaa qiima ayuu kuwii sameeyey ugu kacaa, ayuu yiri Marie Ehrling.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".