Hovrätten Västra Sverige
sawir: Micke Larsson/TT

Maxkamadda rafcaanka oo laba nin xukun hore ka khafiifisey

Maxkamadda rafcaanka oo laba nin xabsi ka khafiifisey midna u kordhisey
1:05 min

Maxkamadda rafcaanka ayaa maanta go’aamisey in ay khafiifiso xukun hore oo laba nin lagu ridey kaas oo la xiriirey qarax bumbaano oo ka dhacey Göteborg, nin saddexaadna waxay ku sii adkeysey xukunkii horey ugu dhacey.

Maxkamadda rafcaanka xukunkeedaani wuxuu la xiriiraa xukun maxkamad heer degmo ahi ay horey ugu ridey saddex nin oo ka tirsanaan jirey ururka Naziyiinta cusub ee iska caabinta Nordi-ga (NMR).

Nimankaan ay maxkamadda heerka degmo ahi xukunka ku ridey ayaa lagu soo eedeeyey in ay galeen danbiyo ay ka mid tahay bumbo lagu qarxiyey magaalada Göteborg.

Nin ragaas ka mid ah oo 23 jir ah ayaa xabsigii horey loogu xukumey wuxuu ahaa sidded sano iyo bar balse maxkamadda rafcaanka ayaa hadda xabsigiisa ka dhigtey lix sano iyo bar.

Nin 51 jir ah oo isna xabsiga horey loogu xukumey uu dhammaa shan sano ayey hadda maxkamadda rafcaanku xabsigiisa ka dhigtey laba sano iyo bar.

Ninka saddexaad oo 20 jir ah ayey maxkamadda rafcaanku xabsiga u kordhisey taas oo xabsigiisa ka dhigtey hal sano iyo toban bilood ka dib markii uu horey u ahaa hal sano iyo bar.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".