Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
En domarklubba ligger på en lagbok i Stockholms tingsrätt Foto: Jessica Gow / SCANPIX / Kod 10170
Dubbaha maxkamadda oo dul-saaran buugga xeerarka dalka u deg-san. Sawirle: Jessica Gow / SCANPIX / Kod 10170

Nin ku dul joogjoogsadey dad meyd ah oo xabsi lagu xukumey

Maxkamadda ku taala degmada Södertörns ayaa siddeed bilood oo xarig ah ku xukuntey nin 32 jir ah oo dalka Suuriya ka geystey gaboodyo dad shacab ah lagula kacey.

Xeer ilaaliyaha ninkaas danbiga ku soo oogey ayaa sidoo kale dalbadey in ninkaas dalka laga masaafuriyo marka uu dhameysto xabsiga lagu xukumey.

Ninkan oo ka garab dagaalamayey ciidamada dawladda Suuriya ayaa la hayaa sawiro isagoo dad dhintey iyo kuwa dhaawac ah oo shacab ah ku dultaagan.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacey duleedka magaalada Damaskas dhammaadkii sanadkii 2014-kii.

Ninkaan la xukumey ayaa ka dib markuu ka soo tagey dalka Suuriya wuxuu dalkaan Sweden soo gley sanadkii 2015-kii xilligaas oo uu magangalyo dalkaan weydiistey.

Poliiska dalkaan ayaa markaas ka dib dad shacab ahi waxay u soo gudbiyeen masawiraddiisa inkasta oo uu ku andacoodey in falkaas sameyntiisa lagu khasbey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".