Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Daryeelka caafimaad ee Sweden oo noqdey kan adduunka ugu fiican

La daabacay måndag 25 september 2017 kl 14.49
Adeegga caafimaad ee Sweden oo noqdey kan dunida oo dhan ugu fiican.
(1:50 min)
Akademiska sjukhuset i Uppsala. Foto: Martin Hult / Sveriges Radio
Isbitaalka Akademiska ee Uppsala. Sawirle: Martin Hult / Sveriges Radio

Warbixin cusub oo caalami ah ayaa lagu caddeeyey in daryeelka caafimaad ee dalkaan Sweden yahay kan adduunka oo dhan ugu fiican.

Warbixintaan cusub oo ay soo saartey jaamacadda Washington ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegey in dalkaan Sweden dunida oo dhan ugu horeeyo sida loo badbaadiyo dadka noloshooda caafimaad khatarta ku jirto iyo waliba daaweynta cudura badan oo ay  dalalka oo dhan uga horeeyso.

Roger Molin oo ka hawlgala hey’adda Sweden u qaabilsan maamulka degmooyinka iyo daryeelka caafimaadka ayaa sheegey in warbixintaan ahamiyaddedu tahay maadaama ay aad ugu kuurgashey sida adeega daryeel caafimaadkayagu u shaqeeyo :

- Nidaamka daryeel ee caafimaadka dalkaani waa mid aad ugu firfircoon in uu la jaanqaado cilmigii ugu danbeeyey ee caafimadka la xiriira, tusaale ahaan adduunka oo dhan waxaanu nahay dalka kaliya oo qofkii mar wadnaha looga soo boodo uusan mar labaad arrinkaasi qabsan ee aan ka badbaadino, ayuu yiri Roger Molin.

Baaritaankaan cusub ee caalamiga ah ayaa waxaa dabagal dhanka daryeelkooda caafimaad ah lagu sameeyey 195 dal oo dunida ka mid ah waxaana si taxadar leh loogu dhabagaley daryeelka caafimaad ee dalalkaasi leeyihiin sida ay dhimashada ugu badbaadiyaan dadka bukaansocodka ah, sida ay dadka wadnaha looga soo boodo u badbaadshaan ,sida ay u daryeelaan  dadka qaba cudurada kala duwan ee kansarka, dadka qaba cudurka sonkorta, kuwa cudurada kalyaha qaba iyo ka hortagga dhimashada ilmaha dhasha iyo hooyooyinka dhala.

Wadamada Afrika, dalalka Afqanistan iyo Haiti ayaa kaalinta ugu danbeeya ka galey baaritaankaan cusub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".