Brand moské Vivalla Örebro Foto: Katarina Höije/Sveriges Radio.
Masaajidka Vivalla Örebro oo gubanaya. Foto: Katarina Höije/Sveriges Radio.

Nin loo qabtey falkii xaley lagu gubey masaajidka Örebro

Nin loo qabtey falkii lagu gubey masaajidkii Örebro ee la gubey
4:45 min

Masaajid ku yaala xaafadda Vivalla ee magaalada Örebro ayaa habeenkii xaley dab la qabadsiiyey oo la gubey.

Ciidamada booliiska magalada Örebro ayaa sheegey in ay qabteen nin lagu tuhunsan yahay falkii lagu gubey masaajidka magaalada Örebro.

Bo Andersson oo ah taliyaha ciidamada booliiska Örebro oo arrinkaan ka hadlaya ayaa wuxuu yiri sida soo socota:

- Waxaan Örebro ku qabaney nin dhashey sanadkii 1997-dii oo loo heysto in uu ka danbeeyey falkaas la rabey in dadka lagu dilo, uma jeedno ilaa hadda  wax caddeynaya in falka lagu gubey masaajidka ay ka danbeeyaan ujeedo siyaasadeed ama mid diimeed , ayuu yiri Bo Andersson oo ah taliyaha ciidamada booliiska Örebro

 Masaajidka Vivalla ayaa dabka la qabadsiiyey habeenkii xaley saacaddu markii ay aheyd labadii habeenimo, dabkas ayaana baabi’iyey ilaa kala bar dhismihii masaajidkaas.

Ciidamada booliiska degmada Örebro ayaa qaba in dabkaasi yahay mid la rabey in dad lagu dilo si kas iyo ula kac ahna dabka masaajidkaas gubey loo qabadsiiyey.

Waxaanu wareysi ku saabsan masaajidka örebro lagu gubey la yeelaney Cabdiwali ciise Muuse oo ka tirsan soomaalida dagan magaalada Örebro kaas oo sheegey in meel looga soo wadajeesto dadka falkaas guracan ku dhaqaaqey isla markaana iyaga oo kaliya lagu koobo eedeynta arrinkaas ee aan lagu eedeyn dad kale oo aan waxba galabsan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".