Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Hanna Wigh och Jimmie Åkersson .
Hanna Wigh (bidix) iyo Jimmie Åkersson .

Xildhiban xisbiga SD ka tirsan oo faraxumeyn lagu soo eedeeyey

Xildhibaan faraxumeyn lagu soo eedeeyey oo shaqadiisii hakiyey.
1:23 min

Xildhibaan baarlamaanka dalkaan ugu jira xisbiga Sverigedemoquraadi-ga ayaa shaqadiisii hakad galiyey ka dib markii lagu eedeeyey in uu gaboodfal dhanka galmada la xiriirta kula kacey xubin kale oo baarlamaanka dalka ka tirsan.

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemoquraadi-ga Jimmie Åkersson ayaa sheegey in la bilaabey baaritaan ku saabsan falka ninkaasi lagu soo eedeeyey.

Warsaxaafadeed ka soo baxay hey’adda xeer ilaalinta dalkaan Sweden ayaa lagu sheegey in baaritaanka falkaas danbi la bilaabey.

Xildhibaanad horey uga tirsaneyd xisbiga Sverigedemoquraadi-ga Hanna Wigh ayaa ka hadashey in gaboodfal dhanka galmada ah uu kula kacey nin ka mid ah xildhibaanada isla xisbigeedii hore ee SD oo baarlamaanka dalkaan Sweden ku jira.

Hanna Wigh ayaa horey falkaas guracan ee lagula kacey waxay uga warantey barnaamij ka baxay telefishinka TV4, dacwad fal danbiyeedkaas ku saabsanna waxaa loo gudbiyey ciidamada booliiska.

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemoquraadi-ga Jimmie Åkersson oo isna arrinkaas ka hadley wuxuu yiri sidan soo socota:

- Ninka falkaan lagu soo eedeeyey wuu ka tagey baarlamaanka kumana soo noqonayo ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo baaritaanka arrinkaas ku socda, mana ogi ilaa iyo inta baaritaankaasi qaadan doono, ayuu yiri Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemoquraadi-ga Jimmie Åkersson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".