Prosecutor Hans Ihrman and the suspected terrorist Rakhmat Akilov. Credit: TT
Xeerilaaliye Hans Ihrman (bidix) iyo Rakhmat Akilov oo ah ninka falkaas argagixiso lagu tuhunsan yahay. Credit: TT

150 qof ayaa wax ku noqdey falkii argagixiso ee Stockholm

Xeer ilaaliyaha gacanta ku haya baaritaanka weerarkii argagixiso ee ka dhacey Drottninggatan, Stockholm ayaa daboolka ka qaadey in ay jiraan 150 qof oo falkaas argagixiso wax ku noqdey.

Rakhmat Akilov oo u dhashey dalka Uzbekistan ahna ninka lagu tuhunsan yahay in uu falkaas argagixiso fuliyey ayaa la filayaa in lagu soo oogo denbiyo hor leh oo ay ka mid yihiin in uu ku kacey isku dey dil iyo in uu dad kaleeto naftooda khatar galiyey.

Xeer ilaaliyaha falkaas danbi baaritaankiisa gacanta ku haya, Hans Ihrman iyo hawlwadeenada la shaqeeya ayaa ilaa hadda waxay qaadeen wareysiyo gaaraya ilaa iyo 1, 700 oo wareysi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".