Kungen besöker Vivalla.
Boqorka Sweden Carl XVI Gustaf.

Boqorka Sweden oo booqanaya xaafadda Vivalla ee Örebro

Boqorka dalkaan Sweden Carl XVI Gustaf ayaa maanta booqan doona maasjidkii talaadadii lagu gubey magaalada Örebro.

Boqorka ayaa wuxuu sidoo kale booqanayaa jaamacadda Örebro taas oo abaalmarin maanta gudoonsiin doonta.

Maamulka gobolkaas ayaa telefishinka SVT u xaqiijiyey in boqorku maanta booqasho gaaban ku tagi doono masaajidkii lagu gubey xaafadda Vivalla ee magaalada Örebro.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".