Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

EU oo soo qaadaneysa 50 000 oo saami qaxooti oo dheeraada ah

La daabacay onsdag 27 september 2017 kl 15.09
EU oo soo qaadaneysa qaxooti dheeraad ah oo dhan 50 000.
1:45 min
Malin Björk (V). Foto: Emil Langvad/TT
Malin Björk (V). Foto: Emil Langvad/TT

Golaha wasiiradda ururka midowga yurub ayaa mar labaad isku dayaya in ay qaxooti ka soo qaataan xerooyinka dalalka woqooyiga Afrika.

Ururka midowga Yurub ayaa raba in labada sano ee soo socota ay dalalkaas ka soo qaataan qaxooti dhan ilaa iyo 50 000 oo qof.

Fikarkaan ay midowga Yurub ku soo qaadanayaan qaxootigaas cusub ayaa markii hore waxaa soo jeedintiisa iska laheyd Malin Björk oo ka xisbiga Vänster-ka ee dalkaan Sweden, xubinna ka ah baarlamaanka Yurub, waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

- Waan soo dhaweynayaa in qaaradda Yurub ay qaxooti dheeraad ah soo qaadato, korna loo qaado saamiga ay qaxootiga ka soo qaadato, ayey tiri Malin Björk.

Golaha wasiirada qaaradda Yurub ayaa qiyaastii 100 000 oo karoon u qoondeeyey in ay ku baxdo qof kasta oo qaxootigaas ka mid ah.

Qaxootigaan ayey Yurub ka soo qaadeneysaa dalalka Afrika ee dhanka wada shaqeynta arrimaha qaxootigu kala dhaxeyso sida Libya, Masar, Niger, Sudan iyo Chad.

Malin Björk ayaa sheegtey in aan talaabadaan loo adeegsan in cadaadis dheeraad ah lagu saaro dalalkaas qaxootiga laga soo qaadayo si ay u joojiyan qaxootiga soo aadaya qaaradda Yurub.

Saddex sano ka hor ayey aheyd markii midowga Yurub uu soo qaatey 20 000 oo qaxooti ah kuwaas oo uga soo aadey qoondadii ay hay’adda qaxootiga adduunku u qoolxirtey in dalka adduunka ee horumarey ay kala qaataan.

Dalalka Midowga Yurub ayaa dhanka kale raba in ay cadaadis si wadajir ah u saaraan dalalka aan dib u qaadan muwaadiniintooda dib loogu celinayo.

Midowga Yurub ayaa qorsheynaya in ay dalalkii arrinkaas ka meermeera ku soo rogto in ay dal ku galka yurub u diidaan mas’uuliyiinta dalalkaas ka tirsan ee rabta in ay midowga yurub yimaadaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".