Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Foto: Tomas Oneborg/SvD/TT
Foto: Tomas Oneborg/SvD/TT

Sweden oo sharciyadan dheeraadka ah ugu hortageysa argagixisada

Sweden oo sharciyadaan ku adkeyneysa la dagaalanka argagixisada.
2:01 min

Sweden ayaa adkeyneysa sharciyada ka dhanka ah argagixisada si ay ula jaanqaado sharciyada dhankaas uga dagsan dalalka dhiggeeda ah ee midowga Yurub.

Warbixin maanta loo gacangaliyey wasiirka caddaaladda iyo arrimaha gudaha dalkan Sweden Morgan Johansson ayaa waxaa ku xusan in Sweden sharci ahaan danbi ka dhigto haddii argagixiso ahaan dal kale uu qofku ugu safro xataa haddii qofkaasi asal ahaan u dhashey dalkaas uu argagixisanimada u aadey.

Sharciga imminka dalkan u dagsani ma ciqaabayo haddii qofku u safro dalka uu qofkaasi dhalashada labaad ku leeyahay (Dubbelt medborgarskap).

Waxaa kaloo la soo jeediyey sidii laga yeeli lahaa dadka ku tababarta hubka si ay danbiyo u fuliyaan ama cid kale ka caawiyaan ama tusaale ahaan falalka danbi ee qalabka komputerada lagu khalkhalgaliyo.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha gudaha Morgan Johansson ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya wuxu yiri sidan soo socota:

- Waanu soo dhaweyneynaa soo jeedimadaan, tusaale ahaan in danbi laga dhigo haddii qofku aaladda internet-ka ka barto ama qof kale ku baro sida bumbaanooyinka loo sameeyo taas oo ujeedku yahay fulinta fal argagixisanimo , ayuu yiri Morgan Johansson.

Warbixintaan ayaa waxaa wasiirka caddaalada u gudbiyey Lars Werkström oo horey dawladda dalkaani ugu xilsaartey in uu ka soo tala bixiyo arrinkaas.

Lars Werkström:

- Farsamo ahaan in khalkhal la galiyo bangiyada, warshadaha nukliyarka korontada ka dhaliya iyo garoomada diyaaradaha ayaa ka mid ah sharciyadaan danbiyada argagixisada ah ee aan soo jeediney, ayuu yiri Lars Werkström.

Dawladda dalkaan ayaa rabin in ay soo jeedintaan cusub baarlamaanka horgeyso maadaama ay ka war dhowreyso warbixin kale oo arrinkaas ku saabsan taas oo dawladda loo soo gudbin doono bisha december ee foodda ina ku soo heysa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".