Hogaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf.
Hogaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf. sawir: Henrik Montgomery/TT

Centerpartiet oo ka shiraysa si ajaanibta loo soo dhaweeyn lahaa

Xisbiga Center-ka oo qorsheynaya in uu soo dunto dadka ajaanibka ah.
1:24 min

Maanta ayaa shirweeynaha xisbiga Centerpartiet laga furaya magaalada Malmö. Mid ka mid ah qodobada halkaas laga doodi doono ayaa ah sidii loogu dhiiri galin lahaa dadka ajaanibta ah in ay ku soo biiraan xisbigan.

Tirokoob ay heeyada tirokoobka ee SCB loo soo gaabiyo arrinkan ka sameeysay ayaa laga arkay in ay boqolkii ba 3,4 ajaanibta keliya aaminsanyihiin in xisbigani iyaga u wanaagsanyahay. Tan ayaa ka dhigan in C tahay xisbiga keliya ee aan barlamaanka ku haysanin xildhibaan ajaanib ah.

Abir Al-Sahlani oo barlamaanka u fadhiyi jiray xisbiga Centerpartiet, balse hadda ku talo jira in uu kursi halkaas laga siiyo sannadka dambe, ayaa sheegay in ay bilaabeen xooga saarayso si loo soo dhaweeyn lahaa dadka ajaanibta ah.

-Arrinkan in ajaanibta la soo dhaweeysto waxeey aheeyd in mar hor la bilaabo, hasayeeshe waxaan rajeeynayaa in aanu bedeli karno hadda, ayuu sheegay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".