Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wariye Hamza Yalcin oo xabsi ku yaala dalka Spain laga sii daayey

La daabacay torsdag 28 september 2017 kl 15.14
Wariye Hamza Yalcin oo xabsi ku yaala dalka Spain laga sii daayey.
Wariye Hamza Yalcin oo xabsi ku yaala dalka Spain laga sii daayey. sawir: OZAN KOSE

Hamza Yalcin oo ah wariye Iswiidhish ah balse asalkiisu Turki yahay ayaa maxkamad ku taala Madrid, Spain ay maanta sii deysey.

Xariga uu dalka Spain kula kacey wariyahaan ayaa aad loogu canbaareeyey. Sii deynta wariyahaan la sii daayey ka dib, waxaa dalka Spain laga dhowrayaa in ninkaas ay u gacan galiyaan dalka Turkiga iyo in kale.

Hamza Yalcin ayaa ah wariye degen magaalada Halmstad, waxaana horaantii bishii agoosto lagu xirey garoonka diyaaradaha magaalada Bercelona ka dib markii dalka turkigu, ninkaas in la soo xiro ka dalbadey hey’adda booliiska adduunka ee Interpol.

Ciidamada booliiska turkiga ayaa ninkas ku eedeynaya in uu ka mid yahay urur argagixiso ah laakiin Hamza Yalcin ayaa arrinkaas inkirey.

Hamza Yalcin ayaa hadda ka hor wareysi siiyey telefishinka SVT waaxdiisa gobolka Halland, ayaa wuxuu yiri sidan:

- In aan argagixiso ka mid noqdo iyo in aan hogaansho iska daaye, caqli xumada noocaas ahi waligey xataa iguma soo dhicin kumana fakarin, ayuu yiri Hamza Yalcin.

Wariyahaan ayaa marar badan wuxuu si isdaba joog ah saxaafadda ugu qorey maqaalo lid ku ah dawladda madaxweyne Erdogan.

Falkaas Interpol ku dhaqaaqdey ayaa waxaa horey u canbaareeyey Cecilia Wikström oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka midowga Yurub iyo waliba Ururada  qorayaasha Sweden iyo wariyayaasha aan xuduudka laheyn.

Hamza Yalcin oo hadda xabsigii uu ku jirey laga sii daayey ayaa maxkamadda Spain wuxuu ka dhowrayaa go’aankii kama danbeynta ahaa ee qadiyaddiisa la xiriirta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".