Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

3 nin oo si wadajira ugu guuleystey Nobelpris-ka caafimaadka

La daabacay måndag 2 oktober 2017 kl 14.46
Saddex aqoonyahan oo wadajir ugu guuleystey biladda Nobel ee caafimaadka.
(2:11 min)
Abaal-marinta nobeelka
Nobelpriset

Abaalmarinta Nobel ee dhanka caafimaadka ayaa waxaa sanadkaan 2017-ka si wadajir ah ugu guuleystey Jeffrey C hall, Micheal Rosbash iyo Micheal W. Young.

Saddexdaan aqoonyahan oo u dhashey dalka Mareykanka ayaa abaalmarinta caafimaadka ee Nobel-ka waxay sanadkaan 2017-ka ku muteysteen, ka dib markii ay cilmi ahaan ku heleen in uu jiro hab jirka bani’aadamka ku jira kaas oo si habsami leh saacaddooda biyoloojiga ugu saleeya hab meereysiga dhulka.

Saacaddaan biyoloojiga ayaa qof walba unugyadiisa ku dhexjirta taas oo mar walba jirka qofka u suuragalisa in uu la qabsado hadba xaalka uu markaas ku sugan yahay sida tusaale ahaan markii qof ka dago dal kale oo xilli ahaan ama saacad ahaan farqi weyni u dhexeeyo kii uu ka soo duuley.

 Abaalmarintaan Nobel ee caafimaadka ayaa bilow u tahay qeybaha kala duwan ee abaalmarintaas oo isla usbuucaan lagu dhawaaqi doono.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".